Xarakada Shabaab oo Ciidamo Madani ah usameeyey Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada hoose.

Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada hoose oo dhawaan qaybo ka mid ah ay isaga baxeen Ciidamada Amisom islamarkaana Maleeshiyaad tira kooban oo joogeyna ay nafsadooda uga baqdeen in muda ah waxay ahayd ahyd mid haawaneysa oo aan lahayn Ciidan ka howlagala.

Xarakada Shabaab ayaa Ciidamo Madani ah oo ka howl gala Degmada u sameysay ayaa tan markii isaga baxeen Amisom iyo Maleeshiyaadkii koobnaa ee Degmada ku sugnaa.

Ciidamadan Madaniga ah ayaa qaban doono howlo kala duwan oo ay ugu horeyso sugid Amniga iyo ka hortaga falalka dambiyada keenaya.

Dadka Shacabka ah ee deegaanka ayaa lagu amrey inay la shaqeeyaan Madaniga Degmada loo xilsaaray inuu ka howl galo maadaama ay suuragal tahay in qataro badan ay soo wajahaan.

Ciidamada Amisom ee fariisinka ku leh Duleedka Qoryooley ayaan ka hadlin Ciidamadan Madaniga ah ee laga howlgeliyey Degmada Qoryooley.

Xarakada Shabaab ayaa Degmada kaga sugan Xerooyinka Koowaad iyo labaad oo wax ka yar Seddax KM u jira Qoryooley iyo tuulooyin kale.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise