Dhageyso: Gudoomiyaha cusub ee degmada Marka oo ka hadlay mid ka mid ah howlaha ugu horeeya ee uu qaban doono marka uu xilka la wareego

Wareysi uu siiyay laanta Afsoomaliga ee VOA ayaa gudoomiyaha cusub ee degmada Marka Xasan Cumar kaga hadlay dhibaatada ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom dhowaan u geysteen dad rayid ah gudaha degmada Marka.

Gudoomiyaha ayaa ku sheegay wareysigiisa tirada dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay weerarka ay ciidamada Amisom u geysteen dadka rayidka ah isagoo sheegay in maamulkiisa wax u qaban doono dadkii ay dhibaatada soo gaartay.

Mudane Xasan Cumar ayaa sidoo kale sheegay in marka uu xilka si rasmi ah ula wareego howlaha uu qaban doono ay ka mid tahay in uu wax ka qabto dhibaatada soo noq-noqotay ee ay ciidamada Amisom u geystaan dadka degmada Marka.

 Dhagayso wareysiga

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise