Gudoomiyihii Ugu Horeeyey Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ku Geeriyooday Magaalada Lusaka Ee Dalka Zambia

Gudoomiyihii ugu horeeyey ee Baarlamaanka Soomaaliya Aw Jaamac C/laahi Qaalib (Diir Qaraar) ayaa ku geeriyooday magaalada Lusaka ee caasimadda wadanka Zambia.

Alle ha u naxariistee Aw Jaamac Diir-Qaraar waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa 1930-kii, wuxuuna Gudoomiye ka soo noqday Baarlamaanka Soomaaliya laga bilaabo 1960-kii ilaa 1964-tii isagoo xilkaasi iska casilay.

Gudoomiye Aw Jaamac, waxaa aad loogu xasuustaa inuu ka mid ahaa mas’uuliyiintii saxiixay heshiiskii dowladda Ruushka ay dalka Soomaaliya kaga caawinaysay dhanka dhismaha Ciidamada qaranka 1964-tii.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa maanta ehelka marxuumka iyo shacabka Somaliland uga tacsiyeeyey geerida Aw Jaamac C/laahi Qaalib (Diir Qaraar).

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise