Dagaal u dhaxeeya Alshabaab iyo Itoobiya oo ka socda qaybo ka mid ah Gobolka Bakool.

Wararka ka imaanay Gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaasi goordhow uu ka bilowday dagaal u dhaxeeya Ciidamada Xarkada Shabaab iyo Kuwo ka tirsan Itobiya.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Dagaalyahaanada Shabaab ay wada u galeen Ciidamo Itobiyaan oo marey inta u dhaxeysa Rabdhuure iyo Waajid ee Bakool.

Weerar loo adeegsaday hubka cul culus iyo Miino ayaa marka hore lagu weeray Kolanyada Itobiya, waxaana halkaasi ku bilowday dagaalka.

Warar ayaa sheegay in weli dagaalka uu socdo islamarkaana uu yahy mid xoogan aan la ogaan karin khasaarihiisa.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise