Madaxda Dowlada Ethopia oo ku howln isku soo dhaweynta Maamulada Boobland iyo Maamulka Fadhiidka ah ee Shariif Xasan.

Dowlada Ethopia ayaa ka walaacsan khilaafka xargaha goostay ee ka dhaxeeya Maamulada Booblan ee uu hugaamiyo Axmed Mdoobe iyo Maamulka Fadhiidka ah ee uu hugaamiyo Madaxweynaha kalitaliska ah ee Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan ayaa ku doodaya in Axmed Madoobe uu uga baxay balan ay horey u gallen oo ahayd in xillibaano Miisaan leh laga siyo Xubnaha Baarlamaanka iyo Gudoomiayaha Baarlamaankana uu noqdo shakhsi ku reer ah Shariif ama kasoo jeeda Beelaha Bay iyo Bakool.

Inkastoo Gudoomiyahay Baarlamaanka ee Maamulka Boobland uu noqday shakhsi Shariif Meesha uu geystay ayaa hadana waxa laysku waayey tirada Xillibaanada oo Axmed Madoobe Reerkiisa ay qaateen tirada ugu badan.

Mudanayaasha Baarlamaanka oo dood ka yeeshay arinta Boobland ayaa go’aan ku gaaray inaanu ansax ahayn Baarlamaanka Boobland, waxaana jirtay hadalo kulkulul oo ay warbaahinta isu mariyeen Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan.

Sharrif Xasan ayaa Safarkii uu ku tagay Adiss Ababa waxa uu dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe uu u gudbiyey Madaxdii uu lasoo kulmay.

Axmed Madoobe oo looga yeeray isla Ethopia ayaa lagu qanciyey in Shariif Xasan uu ka garbaxo islamarkaana dib loogu laabto xulista Baarlamaanka Boobland.

Waxaa jirta isu soo dhawaansho aan weli muuqan ee labada hugaamiyo taaso laga yaabo inay yeeshaan wadad hadal dib loogu laabanayo arinta keentay khilaafaadkooda.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise