Degmooyin ku yaala Gobalada Gedo iyo Bay oo uu ka scodo Barakac Lixeed leh.

Degmooyinka Baardheere, Ufurow iyo Diinsoor ayaa wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in uu ka socdo barakac aad weyn oo ay sameenayaan dadka shacabka ah.

Barakacan ayaa waxa uu ka dambeeyey ka dib guluf culaadeed oo ay wadaan Ciidamada Ethpia oo ay ku doonayaan inay ku qabsadaan degmooyinkan ay gacanta ku hayaan shabaab.

Shacabkan oo isugu jira Haween, Caruur iyo Waayeelo ayaa ka baqdin qaba in lagu dul dagaalamo xilli Ciidamda kusoo wajahan la sheegayo inay gaarayaan in ku dhjawaad Seddax kun oo Askari oo u badan Ethpian.

Dagaalyahaanada Shabaab ayaa laga soo wariyey inay si weyn usoo buuxdhaafiyeen Degmada Baardheere oo laga cabsi qabo in dagaal culus ay kula galaan Ciidamada huwanta ee kusoo socda.

Degmada Baardheere ayaa hadii ay gacantooda ka baxdo Shabaab waxay ka dhigantahay inay noqoneesy degmada ugu dambeysay oo ay waayaan xilli guud ahaanba Degmooyinka gedo horay looagala wareegay.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise