Kooxda ISIS oo Beenisay in la dilay Hugaamiyahoodii Wadanka Sfgaanistaan.

Hugaamiyaha Kooxda Daacish ee Wadanka Afgaanistaan ayaa la beeniyey in lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday wadankaasi.

Sirdoonka Wadankaasi yaa sheegay in Hafis Saciid oo ahaa hugaamiyihii Kooxda ISIS ee afgaanistaan iyo 30 xubnood oo kale isaga la jirtay ay ku geeriyoodeen Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Xadka Afgaanistaan iyo Bakistaan.

Fariin cod ah Maanta oo Isniin ah kasoo baxday Kooxda ISIS ayaa lagu beeniyey in la dilay hugaamiyahoodii HafisSiciid inkastoo aan si rasmi ah loo hubin Dilkaaasi.

Hugaamiyahan lagu muransanyahay in la dilay ayaa horay uga tirsanaa kooxda Daalibaan ee ka dgaalanta wadamada Afgaanistaan iyo Bakistaan balse sanadii lasoo dhaafay ayuu isaga tagay Daalibaan oo uu ku biray ISIS oo koox ku aasaastay Wadanaka Afgaanistaan.

 

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise