Dagaalyahaano Shabaab ka tirsan oo Dagaal Culus kula Wareegay Deegaanka Raagaceelle.

Xarakada Dagaalyahaanada Shabaab ayaa dagaal xoogan aroornimadii saake saake waxa ay kula wareegeen Deegaanka Raag Ceele ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Shabaab ayaa dagaal xoogan saake dhowr jiho kaga soo qaaday deegaankaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowlada Fedaraalka.

Ciidamada Dowlada ayaa markii looga adkaaday dagaalka u galay xerada Amisom ee ku taala duleedka Raagaceele, shabaab ayaan gaarin xerada amisom.

Dad ku sugan Raagaceele ayaa sheegaya inay arkayaan dagaalka ka dib Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Shabaab oo dhex socda wadaayinka iyo kuwo kale oo jooga xarumaha Maamulka halkaasi laga ceyriyey.

Dadka deegaanka ayaa argagax ka muujiyey qabsashada Shabaab ay qabsadeen deegaankaasi waxaana imtooda badan ay isaga barakaceen guryoahooda iyagoo maciin biday goobo aan anahyn guryihii ay ku noolaayeen.

Waxaan weli lasoo sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkii saake aroortii shabaabku ay ku qaadeen deegaanka Raagaceele ee Gobolka Shabeelada dhexe.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise