R/Wasaare Cumar C/radshiid oo Maanta lagu wado inuu Gaaro Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Ra’sal Wsaaraha Xukuumda Fedaraalka Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hugaaminayo ayaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Cumar C/rashiid ayaa kulamo kala duwan waxa uu halkaasi kula yeelan doonaa Madaxda Maamulka Puntland si looga wada hadlo tabooshooyin badan oo ay qabaan Maamulka uu hugaamiyo C/weli Gaas.

Puntland ayaa si weyn kaga hortimid Maamulka lagu dhisay Cadaado iyo qodobo ku jira Dastuurka Fedaraalka iyo xeer hoosaadyo ay ansixiyeen Baarlamaanka Fedaraalka, sidoo kale Puntland waxay ka hortimid gudiyo dhawaan codka kalsoonida loo qaaday kuwaas oo ku shaqa leh Xuduudaha iyo doorashooyinka qaranka.

R/Wasaare Cumar ayaan la ogeyn waxa uu ka bedeli karo Mowqifka adag ee ay istaageen Maamulka Garowe fadhigiisu yahay oo maalintii shalay qodobo kasoo saaray kulan ay qaateen Baarlamaanka Maamulkaasi.

Maamulka Puntland ayaad moodaa inuu culeyskiisa uu isugu geeyey sidii ay uga doodi lahaayeen Maamulka Cadaado oo ay u arkaan caqabado iyaga ku hor gudban.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise