Baarlamaanka Puntland Oo Qodobo Kulul Oo Ka Dhan Ah DFS Soo Saaray Diideyna Aqoonsiga Galmudug-ta Cusub (Akhriso)

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta soo saaray qodob dhowr ah oo  ka dhan ah dowladda Federalka iyo maamulka cusub ee gobolada dhexe looga dhawaacay. Go’aanada oo sida hoose ku qoran ahaa ayaa waxaa saxaafadda u akhriyey gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland:

– In puntland aysan aqoonsanayn, sharcina ahayn gudiyada xuduudaha, doorashooyinka iyo dib u eegista dastuurka maadaama aan lagala tashanin aysana ka howgeli karin deegaanada Puntland.

-In xeerarka baarlamaanka fedaraalka ansixiyay oo aan lagala tashanin Puntland ayna ahayd in lagala tashado inaysan sharci ahayn.

-In Puntland ay aqoonsantahay oo kaliya dastuurkii lixda saxiix lahaa wixii badal ah oo lagu sameeyayna aysan sharci ahayn.

-in Puntland aysan aqoonsanayn dhismaha maamul goboleed aan waafaqsanayn dastuurka fadaraalka qodobkiisa 50.6 oo ah laba gobol iyo wixii ka badan uusan waxba kajirin Puntland-na aysan aqoonsanayn.

-Baarlamaanka Puntland wuxuu kalfadhiga biska October dib u eegis ku sameyn doonaa in dowlada dhexe qodobadan wax ka badashay oo dariiqii saxda ahaa ku soo celisay,markaas oo uu go’aan ka gaadhi doono wadashaqaynta dowlada federaalka.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise