Dagaal Beeleed Khasaaro Geystay Oo Maanta Ka Dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo

Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan maamulka Jubba ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo muddo saocday ayaa yimid kaddib markii  ciidamo ku beel ah askari qori laga qaaday ay iyagana qori kale ka furteen askari kale oo  ku hayb ah ciidankii hubka ka furtay askariga hore.

Dagaalka oo ka dhacay agagaarka Isbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo “Waamo Hospital” ayaa geystay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca tiro kale oo intooda badan ahaa maleeshiyaadkii dagaalamaayey.

Rasaastii ay is weydaarsanaayeen maleeshiyaadka dirita dhexmartay ayaa hakad geliyey dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka jiray suuqa weyn ee degmada Kismaayo.

Xaaladda Kismaayo ayaa hadda deggan, dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobey dagaalka ayaa la dhigay isbitaalka Kismaayo iyo Isbitaalka ciidamada Kenya ay ku leeyihiin magaalada Kismaayo.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise