Diyaarado Dagaal Oo Shacab Badan Ku Laayey Gobolka Gedo

Wararka laga helaayo gobolka Gedo ayaa sheegaayo in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo maanta ka geysteen duleedka degmada Beled-xaawo halkaas oo ay ku dileen in ka badan 10 ruux oo ahaa dad reer miyi ah.

Sida ilo xog-ogaal ah sheegayaan, duqeymahan ayaa lala beegsaday deegaano ay degenaayeen dad reer miyi ah oo xoolo dhaqato ahaa kuna sugnaa deegaan lagu magacaabo Laanqurac oo ka tirsan Buulo Xaawo.

Dadka ku waxyeeloobey duqeymahan ayaa waxaa ku jiray ardey dugsi Qur’aan dhiganeysay iyo haween, sida ay xaqiijiyeen waxgaradka gobolka Gedo.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa dhowr jeer sidan oo kale u xasuuqay shacab masaakiin ah oo ku dhaqanaa gobolada Jubbooyinka iyo Gedo iyadoo dowladda fadhiidka ah ee Muqdishu aysan awood u lahayn inay cambaareyso falalka lagu xasuuqaayo dadka rayidka.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise