Dhegeyso Col Maxamed Sheehk “Hadii Xoog Meel lagu joogi karo dhul aan lahayn ayaan Dagaal ku qaadi lahayn”.

Taliyaha Ciidamada Deegaanka Col. Maxamed Sheekh Xasan oo la hadlay Markacadey.com ayaa waxa uu ka sheekeeyey dagaalkii Maanta ka dhacay Deegaanka Ceeljaale ee Duleedka Degmada Marka.

Taliyaha ayaa sheegay in Weerar maanta lagu soo qaaday Ceeljaale ay ku guulesteen ayna ku furtay hub iyo gaadiid “qoryo ayaan ku qabsanay iyo Gaari Cabdibila ah oo watay taarik Dowladeed amisom ayaan ku wareejinay”.

“Xasan jaamici horay ayuu u arkay Xabadeena waana ku taalaa hadana meedkiisa ayuu markasta soo wadaa waana ku dhimanayaa insha allah dhulkan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Taliyaha Ciidamada Deegaanka.

“Lixdan jiro ayaa dagaalamaya waan ognahay taas bedelkeeda anagana waxaan dagaal gelinay Toban iyo Shan sano jir hada iyo kow dagaal, go’aan ayaan horey u qaadanay deegaankeena waan xureysaneynaa cidna ma weydiineyno” ayuu hadalkiisa kusoo afmeerey.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise