Maxay tahay Sababta Maanta ka dambeysay in Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici uu soo Weeraro Deegaanka Ceeljaale Xog (Warbixin).

Deegaanka Ceeljaale ayaa ah Deegaan wax ka yar Lix KM u jira Magaalada Marka waxa kaga beeganyahay Magaalada dhinaca koonfurta.

Waa deegaan marin u ah Marka waaa deegaankii kaliya ee ay ku nabad galeen shacabka intay jirtay dhibaatada weli muuqaneysa, waana wadada kaliya ee sida caadiga usoo gasha Magaalada, marka laga reebo wadooyin qarda jeex ah oo duleedyada ka sameysmay.

Ceeljaale waxa uu su dhowyahay deegaanka Shalambood oo leh istaraatiiji weyn meelo bandanna laga Maamuli karo, horay ayuu deegaankaas uga baxay gacanta Ciidamada deegaanka waxaana hada ku sugan maleeshiyaad ka amar qaata Xasan Jaamici.

Maleeshiyaadka Doonaya inay soo galaan Marka ayaa kasoo wareegan jiray Wadada Buufow bacaad oo ay horay u joogeen tiro maleeshiyadaasi ka mid ah, waxay kasoo gali jireen Wadada waa cuneenaa waa cabeenaa.

Ceeljaale oo ay ku suganyihiin Ciidamada deegaanka ayaa mar hore Maleeshiyadan ku qasbay inaysan soo habeysan wadadaas inay ku galaan Marka.

Maalmo kooban ayaa Ciidamada deegaanka waxay awood kula wareegeen Deegaanka Buufow bacaad oo duleedka waqooyi ka xiga Marka, Xasan jaamici ayaa dhowr jeer oo hore isku dayey inuu soo ceshto Buufow hase haatee Ciidamada deegaanka ayaa ku qasbay inuu ka quusto weliba uu waayo wado Muhiim ah oo Marka looga baxo loogana soo galo.

Qabsashada Buufow ayaa ka dhigan inay go’doon yihiin maleeshiyada Marka gudahaeeda ku jira marba hadii laga fariistay Buufow iyo Wadada Waacuneenaa.

Xasan Jaamici oo raja ka qaba inuu badbaadiyo kooxda Marka ku jirta ayaa marar badan waxa ka fasilmal isku dayo uu ku doonayey in maalin gacantooda uusoo geliyo Ceeljaale si ay marin ugu noqoto Marka oo go’doonsan.

Isku dayayiisa ayaa waxa uu ugu cad cadaa in Amisom oo farisin ku leh Ceeljaale uu ka dhaadhiciyo in Ciidamo uu ku sheegayo Milateri uu soo dejiyo Xerada banaankeeda si uu uga qeyb qaato wax uu ku tilmaamay sugida amaanka (si uu meesha u qabsado).

Amisom oo ka war haysa damaca Xasan jaamici iyo waxa deegaanka kala dhexeeya ayaa ka gaabsatay inay jawaab ka siiso damaciisa waalan.

Hadaba Maanta ayey u ahayd Maamlin uu u asteeyey inuu ka dhabeeyo hamigiisa ahaa in Ceeljaale ay fariistaan weliba ay noqoto meesha lagu badbaadin karo Maleeshiyaadka Marka ku go’doonsan.

Gaadiid Dagaal, laba gaari oo Cabdibila ah iyo hal gaari oo noociisu  yahy BG oo ay saarnaayeen Maleeshiyaad lagu qiyaasay 85 ayuu lasoo aaday Ceeljaale.

Gaari Cabdibila ah iyo mid BG-ga ayaa maleeshiyaadkii saarnaa waxa lagu soo daadiyey meel wax yar u jirta ceeljaale oo lagu magacaabo Dalcada, Maleeshiyaadkaas waa dhabar jabin kuwa saran Cabdibilaha horana waa weera ay ku doonayaan inay ku dhaafaan Wadad Marka.

Kuwa dhabar jabinta ayaa sidoo kale qorshahoodu waxa uu ahaa inay degaan Xerada Amisom horteeda, hadii ay culeys dareemaana ay noqdaan Milateri Amisom u xarooda.

Wuxu xaal sidaa ahaadaba dhagarta Xasan Jaamci uu ku doonayey inuu ku dhaafiyo Cabdibilaha iyo Ciidamo roonda ah ayaa isku helay meel aan ka fogayn Xerada Amiso halkaasna waxa ku burburtay Riya Maamlmeedkiisa.

Waxaa sidoo kale halkaasi ku fashilmay damaca waalan ee uu ku doonayey inuu kusoo badbaadiyo kooxda dhulka boobtay ee Todobaadkii labaad ku go’doonsan Marka gudaheeda.

Ciidamada Deegaanka ayaa Alle waxa uu waafajiyey inay difaacdaan Deegaankooda weliba ay xajistaan dhul muhiim u ahaa shacabka ayna daneynayeen Maleeshiyaadkan

info@markacadey.com

info@markanews.net

About the author

Naftaa-quur

Add Comment

Click here to post a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Current month ye@r day *

English Articles

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise

Dulmiga Xasan Sheekh Uu Ka Wado Sh/Hoose

Waxqabadkii AUN Maana Xaajow



Kaydka Markacadey.com