Col Maxamed Sheekh oo habeenkii labaad ku hoyanaya Magaalada Marka.

Taliya Ciidamada Deegaanka iyo Mid ka mid ah guutooyin ka Ciidamada ayaa waxay ku suganyihiin Magaalada Marka ee Xarunya Gobolka Shabellada hoose.

Taliya ayaa Socdaal aan horay loo shgaacin isaga iyo Guuto Sheekh Abiikar Cabdi Gaafle waxay kusoo gaareen Marka, xilli taliya uu kormeer ku tagay Difaaca Deegaanka Buufow Bacaad oo dhawaan lagala wareegay Maleeshiyaad dadka dhibaateynayey.

Col. Maxamed Sheekh Xasan oo hada u kuurgalaya xaalada ay ku noolyihiin shacabka reer Marka iyo deegaanada ku xeeran ayaa xalay waxa  uu ku hoyday Difaaca Deegaanka Shalambood loogu jiro Duleedka Ceeljaale.

Waxaa uu kulamo la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada isagoo Shuuradiisa diirada ku saarayey sida ay tahay xaalada deegaanada iyo amaankooda, waxa uu sidoo kale warbixin uu ka dhegeystay dadka deegaanka isaga dhankiisa uga xog waramay sadarada uu ku marayo deegaanada uu hada booqanayo.

Col Maxamed iyo Guutadiisa ayaa lagu xusuustaa Wacdarihii ay ka dhigaan Saaxaadka Dagaalaada lagu xoreynayo deegaanada lagu soo duulay.

Taliya ayaa lagu wadaa in uu booqdo Deegaano kale oohorleh si loo dhiira geliyo Ciidamada Deegaanka, oo rasaas iyo gumac la hortaagan Cadaowga soo duulay.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise