Madaxweynaha Uganda “Shabaab kuma qasbi karaan Ciidamadeena inay Soomaaliya isaga baxaan”.

Madxweynaha Wadanka Ugand Yuwero Museve oo ka hadlayey Xaalada Dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay goobaha ay baneynayaan Ciidamada Amisom ee Soomaaliya.

Museveni ayaa sheegay in Shabaab dhalanyarada Muslimiinta ah ay ku qasbayaan inay dagaal galaan, weerarana ay ku aqaadaan Ciidamada Amisom eek u sugan Soomaaliya.

Isagoo la hadlayey  Idaacada qaranka ee Dalkaasi ayaa waxa uu tilmaamay in shabaabku uu soo fuulay culeysyo kala duwan hadana oo kaga imaanaya Amisom, weerarada ay ku qaadayaan Saldhigyada Amisom ayuu ku imcneeyey inay ku doonayaan iny Amisom culeys ku saarayaan sidii ay wadanka isaga bixi lahayd.

Ciidamada Amisom ayaa baqdin xoogan ka qaba Weerarada xoogan ee ay kala kulmayaan Shabaab. xilli Shabaabku ay kordhiyeen weerarada kala duwan ee ay ku qaadayaan fariisimiyaasha ay ku sugantahay Amisom.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise