Wasiir Odowaa oo ka hadlay khilaafka xuduudaha ee ay isku haystaan maamul goboleyada qaarkood iyo waqtiga la guda..

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Odawaa ayaa ka hadlay Muran Xuduudeedka u dhaxeeya Maamulada KGS, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo sidoo kale Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in ay socdaan daalo lagu xalinaayo muranadaasi isla markaana wax walbo si sharci ah lagu xalinayo.

Odowaa ayaa sheegay in dawladda aysan aqbali doonin in Muranadaasi ay ka dhashaan ganac ka hadal ama colaad u dhaxeysa labada Maamul ee Xuduuda isku heysta, waqti la ansixiyay gudiga Xuduudaha.

Wasiirka arimaha gudaha DF ayaa sheegay in Bisha Barakeysan ee Ramadaan ka dib ay bilaaabayaan dhismaha maamul u sameynta shacabka dega Gobolada Shabeelaha Dheaxe iyo Hiiraan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in aysan aqbali doonin Maamul aan lahayn Baarlamaan isla markaana Maamulka loo sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu dhisi doono qaabkii lagu dhisay Maamulka Galmudug, kuwa aan weli sameysan baarlamaan in ay dedejiyaan.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise