IGAD oo qaban qabaneysa shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya

Urur goboleedka IGAD Madaxda Hay’adaha Sirdoonka iyo ammaanka oo ay ka mid tahay Soomaaliya ayaa toddobadka dambe ku kulmaya Magaalada Kampala ee wadanka Ugadha si ay uga wada hadlaan dagaalka ka dhanka ururka Al Shabaab.

Kulankan ayaa la filayaa in uu dhaco 14 ilaa 15 July, iyada oo diirada lagu saarayo wada shaqeyn dhexmarta Hay’adaha sirdoonka ee dalalka xubnaha ka ah IGAD iyo in la helo qaab si wadajir ah loola dagaalamo Al Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa la filayaa in Dowladda ay ku matalaan Shirka ka dhacaya Kampala, sida ay qortay Wakaaladaha Wararka qaarkood.
Intii lagu guda jiray Kulan ay dhammaadkii bishii June wada qaateen Golaha Ammaanka iyo Midowga Africa ayaa lagu go’aamiyay qabsoomida Shirka Kampala, kulankaasi oo ahaa kii 521-aad oo uu yeesho Golaha.
Golaha Ammmaanka ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay horumarinta howllgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa doorka ugu weyn ku leh howllgalka AMISOM ee Soomaaliya. 6,500 oo askari oo ka socda Uganda ayaa ka howllgalla qeybta koowaad loo yaqaano section (1) ee gobolada Banaadir iyo Sh/Dhaxe.

Hadii uu qabsoomo Shirka Kampala, waxa uu noqonayaa kulankii u horeeyay oo ay yeeshaan Madaxda Sirdoonka dalalka Urur goboleedka IGAD, shirka oo diiradda lagu saari doono xaalada ammaan ee Soomaaliya oo ka sii dareysa six al loogu heli lahaa.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise