Al-Shaab oo sii deysay Saraakiil Kenyan ah ka dib markii ay qaateen diinta Islaamka

Al Shabaab ayaa shaacisay inay sii deysay Labo Sarkaal oo Kenyan ah, kuwaasi oo Shabaabka ay sheegeen inay qaaten Diinta Islaamka.

War laga sii daayay Idaacada Andalus ee ku hadasha afka Ururka Al Shabaab,ayaa lagu sheegay, markii ay qaateen Diinta Islaamka oo Towxiidka loo qabtay labadaan Sarkaal ayeey Xarakada fasaxday.

Ururka Al Shabaab waxa ay labadaan Sarkaal hayeen muddo sanado ah, kadib markii ay kasoo qabteen gudaha dalka Kenya oo Shabaab weeraro ay ka geystaan.

Al Shabaab ayaa sheegtay in labadaan Sarkaal oo kamid ah Police-ka dalka Kenya iminka xuriyadooda la siiyay, inkastoo aan la kala cadeyn in dalkooda Kenya ay ku noqdeen iyo inay ku sugan yihiin deeganada Shabaabka ay maamulaan.

Ururka Al Shabaab ayaa weeraro kala duwan waxa ay ka geystaan goobo kala gedisan oo ka mid ah dalka Kenya, weeraradaasi oo ay dad badan ku laayaan, halka qaarna ay soo qafaashaan.

Shabaab waxa ay horay u siidaayeen Askar ka tirsan Police-ka dalka Kenya oo qaatay Diinta Islaamka.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise