Xaaladda Degmada Baaardheere oo kacsan, xilli Ciidamada Huwanta ay ku sii siqayaan.

Xaalad kacsanaan ah, ayaa waxaa caawa laga dareemayaa Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, xilli Ciidamada Dowladda, Amisom iyo Xoogaga Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, ay ku sii siqayaan.

Ciidamada Huwanta, ayaa la soo sheegayaa inay laba jiho kaga wajahanyihiin Degmadaasi, xilli ay si buuxdo kaga arrimiso Al Shabaab. Baardheere waa Degmada keliya ee Shabaabku ka jooggaan Gobolkaasi Gedo.

Ciidanka Amisom, ayaa waxay wataan gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, qoriga ridada dheer ee BM-ka, madaafiicda goobta iyo hub kaloo fara badan. Waxayna markaan u muuqdaan kuwo culeyska saaraaya Baardheere.

Ururka Al Shabaab, ayaa waxay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan duleedyada Degmada Baardheere, waxaana wadooyinka soo gala lagu arkayaa Shabaab fara badan oo daafacyo dhirirsan kaga jira.

Shabaabka oo sanadihii ugu dambeeyay fashilinaayay weerarada kaga imaanaaya Ciidamada Huwanta, ayaa markale waxay juhdi ku bixinayaan, sidii ay kaga hortaggi lahaayen gulufka kaga soo wajahan.

Jubbaland, ayaa Degmada Baardheere u aragta mid muhiim ah. Haddii ay qabashada Baardheere u hirgasho waxay markaasi xoogga saari doontaa qabashada Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise