RW Cumar ayaa ka qayb galay xuska sanad guuradii kowaad ee Idaacadda Codka Ciidamadda

Muqdisho, July 8, 2015..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 1-aad ee aas-aaska Idaacadda Codka Ciidamadda Qalabka sida oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxana sidoo kale munaasabadda ka qayb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, taliyeyaasha Ciidamadda qalabka sida iyo masuuliyiin kale.

Ugu horeyn, waxaa munaasabadda ka hadlay Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya S/G Daahir Aaden Cimi, waxana uu xusay mudadii ay jirtay Idaacadda Codka Ciidamadda in ay door wayn ka qaadatay xog gaarsiinta qaybaha Ciidamadda, isagoo xusay in dhawaan Idaacadda la gaarsiin doono gobollada dalka. Taliyaha ayaa geesta kale ku ammaanay maamulka iyo masuuliyiinta idaacadda sida ay uga go’an tahay horumarinta Warbaahinta Ciidamadda.

Wasiirka Gaashaandhigga Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa sheegay in yoolkii loo aas-aasay Idaacadda ay ku socoto, Wasaaradda Gaashaandhiguna ay qaadan doonto doorkeeda kaga aadan horumarinta Idaacadda, si loogu baraarujiyo qaybaha kala duwan ee ciidamadda waajibaadka saaran.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashid Cali Sharmaarke, oo munaasabadda ka hadlay ayaa boggaadiyay shaqada ay qaranka u hayso Idaacaddu, wuxuuna tilmaamay Xukuumaddu in ay u diyaarin doonto maaliyadda lagu kabo isla markaana laga doonayo maamulka Idacaddu in ay horey usii dhaqaajiyaan shaqada ay hayaan.

“Xukuumaddeydu waxay diyaarinaysaa Miisaaniyaddii ay dowladdu ku shaqayn lahayd, waxaan qoondo u sameyn doonaa horumarinta warbaahinta gaar ahaan tan Ciidamadda oo mudadii ay jirtay muujisay doorkeeda, waxaa ii muuqda in guul laga gaaray hadafkii loo sameeyey Idaacadda Ciidamadda”ayuu yiri R.Wasaare Sharmaarke.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu qorshayaal badan oo qaranka lagu horumarinayo diyaarisay, iyadoo dhawaan guul laga gaaray dhismaha Maamulka Gobollada dhexe iyo guddiyadii heer qaran ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka oo Baarlamaanku meel mariyeen.

—DHAMMAAD—

Afhayeenka Xukuumadda F. Soomaaliya
Abdisalam Ahmed Ato 
E-mail: aatostratcom@gmail.com
Tel: +252-6162-64800
Twitter: SomaliPM

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise