Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa ku goodiyay in asaga hortegi doono Maxkamadda Hag si xal loogu gaaro muranka badda Somaliya iyo Kenya

Dr. Axmed Cali Daahir oo ah Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa daaha ka rogay inuu tagayo dalka Holand Xarunta maxkamada caalamiga ee Aduunka, taasi oo Somalia 13-ka Bishan ay u gudbinayso kiiska ku saabsan dacwada badda ee Somalia iyo Kenya u dhaxeysa.

Xeer ilaaliyaha ayaa wuxuu sheegay inaan marnaba loo dul qaadaneyn in cad ka mid ah dhulka Somalia si sharcidaro ah loogu soo xadgudbo, wuxuuna sheegay in Somalia ay u taagan tahay difaacashada dhulkeeda.

Xeer ilaaliyaha wuxuu sheegay in Shirkado badan oo xuduuda badda Somalia baaritan ka waday ay joojiyeen, kadib markii ay Dowladda Somalia digniin u dirtay shirakadahaasi, waxa jira hal shirkad oo weli aan u hogaasamin amarka ka soo baxay dawladda Soomaali.

Dacwadii waxa ay maraysaa meeshii loogu talo galay shirkadihii baaritaanka ka waday xuduudka baddana waa ay ka baxeen oo ay ugu dambeysay Shirkada Total, waxa kaliya oo ku haray waa Shirkada ENI oo dalka Talyaaniga laga leeyahay, iyadana waxaan u sheegaynaa inay qaadato awaamiirta kasoo baxaya Dowladda Somalia oo ay iskaga tagto howsha ay faraha kula jirto ayuu raaciyay Xeer ilaaliyaha Qaranka oo u warsiiyay Radio Muqdisho.

Dacawadan ku saabsan xuduuda badda Somalia iyo Kenya u dhaxeysa ayaa waxaa Somalia qareeno uga ahay labo looyar oo cadaan ah iyo labo garyaqaan oo Somalia ah oo uu wehliyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Go’aankaan ay Dowladda Somalia qaadayso ayaa ah mid aad muhim u ah shacabka Somalia iyo in lasoo dhiciyo xuduuda badda Somalia ay la leedahay wadanka Kenya.

Waxaan sugeynaa meesha ay la fadhiisato dawladda Xasan Sheekh, warkaan aan dhamaadka la haynin ee sanadahan danbe ka batay dhegaha shacabka Soomaaliya.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise