Ciidamo Itoobiyaan oo aad uhubeysan oo udhaqaaqay dhanka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada Gobolka Gedo, ciidamadaan iyaa ku hubeysan taangiyo iyo hub culus ayaa waxay  ka soo gudbeen 48-kaa saac ee la soo dhaafay xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno gobolka gedo ayaa sheegaya in ciidamadaan ay qeyb kanoqonayaan  howl galka AMISOM waxaa ayna  ku wajahanyihiin  degmada Baardheere oo ah degmooyinka fara kutiriska ah ee Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolada dalka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamadan ay gaarayaan illaa saddex kun oo askari ah, kuwaasoo labo jiho u gudbay, waxaana qeyb ka mid ah Ciidamada ay aadeen dhinaca Gobolka Baay.

Goob joogayaal ku sugan degmada Luuq ayaa ayaa sheegay in qaar ka mid ah gaadiidkii ay arkeen ay ka muuqdeen calaamadaha Midowga Afrika ee AU, waxaana ciidamada qaarkood ay socod ku mareen gudaha iyo daafaha degmada Luuq

Mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba ayaa horay u sheegay inay wadaan qorshayaal Al-Shabaab uga saarayaan deegaanada ay ka taliyaan ee ku yaala Gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa la sheegayay inuu jiray guluf milateri oo ay wadaan ciidamada AMISOM ee ku sugan GobolladaBay, Bakool iyo Gedo.

 

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise