Sarkaal ka tirsana ciidanka melitiriga maamulka KGS, oo lagu dilay degaanka Jaziira G/Sh/hoose.

Sarkaal lagu magacaabo Mowliid Xuseen Axmed (Dhuubow) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka, ayaa waxaa gelinkii dambe ee Arbacadii lagu dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xerada Rajo.

Kabtan Mowlid Xuseen Axmed, ayaa xubin buuxdo ka ahaa Guutada Afaraad, Ururkiisa Koowaad ee Ciidanka Militariga Somaliya, iyadoo meydkiisiina la geeyay Isbitaalka Madiina.
Kabtankan iyo saddex ka mid ahayd ilaaladiisii oo watay gaari Kaarib ahaa, ayaa waxaa lagu weeraray meel aan ka fogayn Xerada Rajo, oo ay ku xareysan yihiin boqolaal ka mid ah qaxooti.

Wararka, ayaa waxay intaa ku darayan in Sarkaalkaasi ay weerareen Ciidamada Gudoomiyaha Degmada Wadajir, Axmed Cabdulle Afrax, waxaana la soo sheegayaa in ay si bareer ah ay u dileen.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Gudoomiyaha ku sugnaa halka uu weerarku ka dhacay, waxaana weerarkaasi lagu dilay Sarkaalkii Militariga ka tirsanaa iyo mid ka mid ah ilaaladiisa, iyadoona lagu dhaawacay laba kale oo ka mid ahaa ilaaladiisa.

Mudane Afrax, ayaa Sarkaalkaasi u weeraray isagoo taabacsanaa Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, ee ku sugan Deegaanka Jazeera ee duleedka Degmada Wadajir. Maamulka Wadajir waxa uu ka biyo diidan yahay in Deegaanka Jazeera la raaciyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiye Afrax waxa uu marar badan uu Warbaahinta ka weeraray Maamulka Koonfur Galbeed, oo Xuduuda Gobolka Banaadir uu la lee yahay ka xariiqay Deegaankaasi Jazeera.

Waxa weli aan ka hadlin dilka sarkaan iyo ilaaladiisa maamulka KG Somaliya.

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise