Ergadii Xarunta Kafaalo ku xareesneed oo Cuntadii laga jartay laguna amray in ay isaga baxaan Xaruntaasi

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Ergadii ku xareesneed Xarunta Kafaalo laga jartay cuntadii ay halkaasi ku lahaayeen, waxaana loo sheegay in waxii ka dambeeyay uu waqtigoodu ku ekaa ayna baneeyaan Xarunta Kafaalo.

Mid kamid ah Ergada ku xareesan Xarunta Kafaalo  ayaa sheegay in xalay lagu wargaliyay in aysan wax cunto iyo jiif ah ah uga tashan gudaha xarunta Kafaalo, waxaana loo sheegay in xalay lix saac ay ku ekeed joogista xaruntaasi.

”Walaaloy waa laga yaaban yahay kala taag taag ayaa jira waxaa noola sheegay in Xarunta Kafalao aan baneeno joogista xaruntaasina ay xalay noogu ekeed ,manaqaan caawa halka laga afuri doono iyo halka aan jiifan doono, waxaa nalagu yiri waad iska bixi kartaan markii dantii nalaga lahaa nalaga dhameestay, manaqaan qaab aan ku baxno ,markii hore Diyaarado ayaa nalagu keenay waa nala kool koolinayay laakin hada iska baxa ayaa nalagu yiri heer cuntadii iyo jiif kii la isku diidan yahay Ayuu yiri Mid kamid ah Ergada ku xareesan Xarunta Kafaalo.

Ergada ku xareesan Xarunta Kafaalo ayaa kor u dhaafayay 350-oo ergo kuwaa oo ansxiyay Dastuurka, Calanka iyo Magaca uu yeelanayo Maamulka Dhismihiisu kasocdo Magaalada Cadaado , mana jiraan wax xaquuq ah oo la siiyay Ergada intii ay shaqada ku jireen iyo hada oo Shaqadooda ay soo dhamaatay lana dhisay Baarlamaan.

info@markacadey.com

info@markanews.net

About the author

author

author

Add Comment

Click here to post a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Current month ye@r day *

English Articles

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise

Dulmiga Xasan Sheekh Uu Ka Wado Sh/Hoose

Waxqabadkii AUN Maana Xaajow



Kaydka Markacadey.com