Taliyaha Ciidanka Booliiska Somalia Oo Baydhabo Lagu soo Dhaweyay….

xaamud

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somalia Oo Baydhabo Lagu soo Dhaweyay,

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya sareeyo guuto Maxamed Seekh Xasan Xaamud iyo saraakiil kale oo ka tirsan Booliska ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo,waxaana Wafdiga Taliyaha garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sareeyo guuto Maxamed Seekh Xasan Xaamud iyo saraakiil kale oo safarka ku wehlineysa ayaa markii ay gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxay kormeereen qaar kamid ah saldhigyada ciidanka Boliiska ee magaalada Baydhabo sida saldhiga Boliiska ee degmada iyo kan gobolka, isagoo kulamo la qaatay saraakiisha Boliiska AMISOM ee halkaasi jooga.

Janaraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa waxaa goobaha uu kormeerey waxaa kamid ah saldhiga beri kaas oo dhowaan dib u dayactir ku sameysay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana uu kulan la yeeshay saraakiisha Boliiska ee gobolka Baay iyo xubno ka tirsan maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

 

Taliyaha oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo,ayaa balan qaaday in taliska Boliiska ay ka go’an tahay in dib u dhis uu ku sameeyo dhamaan xarumaha ciidanka Boliiska ee gobolka Baay.

info@markacadey.com

info@markanews.net

About the author

author

author

Add Comment

Click here to post a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Current month ye@r day *

English Articles

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise

Dulmiga Xasan Sheekh Uu Ka Wado Sh/Hoose

Waxqabadkii AUN Maana Xaajow



Kaydka Markacadey.com