TACSI: Ustaad Faarax Cabdullaahi Axmed (Faarax Kediye) Oo Muqdishu Ku Geeriyooday

Maamulka iyo howlwadeenada shabakadda Markacadey.com waxay Tacsi Tiraanyo Leh U Direynaa Eheladii Uu Ka Geeriyooday Alle Ha Naxariistee Ustaad Faarax Cabdullaahi Axmed (Faarax Kediye) Oo  23-05-2015 Muqdisho Ku Geeriyooday.

Waxaa si gaar ah tacsi dirayo Dadka Kala Ah Taliye Ibraahim Yaxye, Maxamed Deeq Iyo Maxamed Cumar Shaati, waxaa Tacsida Dirayaa Xaask uu Ka Tegay marxuuma  Naada Ciise Iyo Ilmihii Uu Ka Tegay Oo Kala Jooga Ingiriiska, Denmark, Switzerland Holland Iyo Muqdisho.

Ustaad Faarax Kediye ayaa xilal dhowr ah  ka soo qabtay dowladii kacaanka, wuxuu mar ahaan jiray Agaasimihii Ololaha Horumarinta Reer Miyiga kaas oo dad badan oo Soomaali ah la baray sida wax loo qoro. Sanadihii ugu dambeeyey wuxuu Ustaad Faarax macallin ka ahaa Jaamacadaha ku yaalo magaalada Muqdishu.

Ustaad Faarax Ilaahey ha ka waraabiyo Jannatul Firdows, anagana gidaashiisa Ilaahey nama fitneeyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka tegeyna Samir iyo Iimaan Alle ha ka siiyo.

info@markacadey.com

info@markanews.net

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise