Xaaladda magaalada Marka oo yara xasiloon ka dib dagaal ka dhacay saakey

Rasaas teel teel ah ayaa laga maqlaayaa gudaha magaalada Marka, waxaa is horfadhiyo ciidamadii maamulka iyo maaleshiyaadka Habargidir oo ay kaabayaan maleeshiyaad dowladda ugu magacaaban Milateriga Soomaalia.

Tan iyo ilaa shalay ayaa magaalo madaxda Shabeelada hoose waxaa ka dhacayi dagaal laysu adeegsaday hubka culculus iyo kan fudud, dagaalkaaan ayaa wuxuu u dhaxeeyaa Ciidanka KGS iyo maleeshiyo ka sood duushay gobolada dhaxe oo gacan saar la leh dowladda federaalka.

Maleeshiyadan caadaysatay dhul boobka Shabeelaha hoose iyo barakiicnta dadka deeganka ayaa sanooyikan wada dagaal gardarro ah oo ay ku heyso guud ahaan gobolka, iyada oo maleeshiyadan lagu kari la’yahay in iska daayaan dulmiga iyo gardarada cadaanka ah.

Shacabka reer shabeelada hoose waxay ka midaysan yihiin in ay iska dhiciyaan mooryaantan daandaansiga ku heysa iyaga oo u dagaalmaya xaqooda maadama ay xaq tahay in uu qofku ku jihaado xoolihiisa iyo naftiisa.

Shacabka degan Shabeelda hoose waxay dowladda KGS ku eedaynayaan gaar ahaan madaxweyne Shariif in uu qeyb ka yahay dagaalkan maadaama uu san wax ka qabanayn dagaalka lagu wado shacabka uu maas,uulka ka yahay ee soo laalaabtay, isaga oo og dadka dulmiga wada in ay yihiin mooryaan ka duushay Guri ceel.

Dagaalkan ma joogsaanaya ilaa ay shacabka Shabeelada hoose helaan cadaalad dhameystiran oo y ku helaan dhulkooda , mooryaantana lagu celiyo halka ay ka soo hayaameen.

info@markacadey.com

info@markanews.net

About the author

markacadey

16 Comments

Click here to post a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Current month ye@r day *

  • Dhambaal gaaban oo kusocda ciidamada deegaanka ama ciidamada KG ama ciidamada biyamaal maxamed : waxaan idinku boorinayaa in aad dhulkiina gacanta kuwada qabataan … Iska ilooba maamul iyo been been kudadaala sidii aad 100% dhulkiina uhanan lahaydeen…mar alla iyo marka aad dhulkiina gacanta kudhigtaan madhici doonto mooriyaan idhin ka ilaalin doonta nabada iyo horumarka …. Mana jiri doonto daanyeer maamul idiin magacaabi doona … Fadlan mooriyaan ta iska sifeeya si aad nabadwaarta uheshaan….. Waan ognahay in aad ka adagtihiin ee at jiraan qolooyin kale oo kaalmaynaya balse xooga hala saaro sidii howshaas loo dhamytiri lahaa… Wabilaahi towfiiq

  • waxan ugu baqayaah besha sure in ey dagalkaas aan kaqeeb galno waayo mada wan karno waxa kadhacaayo markah. waxadleh mel ayaan saney qori akteenah kama jabsan karaan waah in aan ciidamada jogah kabxanley iyo defow ey qebkaloqdaan dagalkah kasocda markah waah in gurmad laga soo aruuriyaah ilaah boligaras doolow luuq iyo bay iyo gabalda dhexe waah in walahen wax lala qabtaah cawdoga lasaraah dhul kodah sogaley anigabah iga bilow diyar ayan ahey walaahi

    • WASAQ SALEEBAAN DHIBTA ADIGAA WADA MAAD BAXDAAN OOD ADINKA DEEGAANADIINA IYO DADKIINA SAMEYSATAAN OO DHINAC KARAACDAAN GOBALEYSIGA, MISE NAFTAAYAR EE IDINKU JIRTAA IDIN DHIBEYSA, WAA BALAN, QARIYADIINA WAA SHABEELAHA HOOSE, WAA DIYAAR DHUL LAIDINKU DUUGO , LAAKIN DIYAAR MAAHAN DHUL AAD DEGTAAN OO AAD XOOG KUQABSATAAN, MEESHA XOOLOMAJOOGAAN DADBAAJOOGA OO DHULKA LEH OONA U DHASHAY, TAASI OGAAW MEESHA DHUL DIINMAYAAL WALEE KADHAXLIMEYSAAN DULMIGAAN WAXAAN DHIIG AHAYN

  • waa arin laga murugoodo markii guusha lataaban lahaa ayaa dib loo arkayaa caadaqaatayaal ama aan dhahee laaluush qaatayaal ku qaraabanaaya magaca beesha ayagoo fulinaaya danaha cadowga waayo maalmahaan waxaa laysku indho sarcaadiyaay maamul dhisid ayadoo aan waxba laga fulinin heshiiskii afgooye lagu gaaray. Dagaal ayaa socdo maxay thay maamulka ladhisaayo, marka hore aan dagaalka meel saarno kadibna haloo soo jeesto maamul, kii loo arko in uu caqabad kuyahay danaha beeshana halyska qabto.

    • XAM , wa nasab Biimaal , waa gob hadalkiisu cad cadyahay.
      Walaal XAM waa kugu racsanahay fekerkaaga dal iyo dad jaceylka ah.

      Marka hore hala fuliyo qodobadii Afgooye lagu soo hishiiyay, kaddib halaga
      saaro mooryaanta soo duushay Marka iyo deegaanada kale ee Biimal.

      Intaas kaddib, haloo soo jeesto maamul dhismihiisa, waayo waxaa hadda
      loo ordayo waa anoo ku dulsaaran waxaan rabo ii yeel, qofka aan rabana
      maamulka ii keena.

      Odeyaasha iyo siyaasiyiinta beesha , haka fogaadeen kabao qaatnimada
      ay ugu adeegayaan cadowga.

      Walaalkeey XAM waad ku mahadsantahay fekerkaaga saliimka ah ah.

  • Ciithamatha deegaangka waa ineey u dulqaataan sharafta dadkootha ii dalkootha. Geeritha waxeey dhibeeysaa kuwa kuwa gardarratha watha oo gobollatha dhehe kazoo duuleey. Ilaahoow iithamatha gobolka u dhalatey guusha si aay haqootha u helaan. Ilaahoow haq u dirirka guul sii. Ilaahoow jebinkuwa dhul boobka iyo gardarratha watho. Ilaahoow dhubaad ku abuurtey dhulkootha ku celi.

  • illa marka cadey moryaanta havargidir madaxooda lagu jaro habeen iyo maalin sitoos ahna loowajaha in gobolka kacanta sibuuxda loogu dhigo oo wax wada hadal layirahdo xaga la iskadhigo iyo beenta mesha lagu hayo shacabka sh.hoose nabad galyo mahelayaan

  • Dadka qaarkii waxaad moodsa iyaka oo taagan iney riyoonayaan riyadu hurdo ayey kuroontshay dagaalka shalayna biyamaal ayaa bilaabay laba nin ayey kudileen mesha layiraa waa cuneynaa waa cabeynaa qoryihiina kaqaateen sidaas ayuu kubilowday hadana biyomaal waa qeylinaa waxaan kulatalin lahaa dadka halkaan comitska ka bixinayo oo aan aheyn labada beelood ha is ku dirinina dadka
    Muslimka ah ayan idin leeyahay kuwa is dagaalayana waxaan leeyahay guul kagaarimeysaan dagaal qabiil qaasatan reer biimaal wiilasha aad ka keenteen xeebta iyo beeraha iyo geela ee aad qoryaha ugadeen dhibka ey keenaan adinka ayey idinku soo laabaneysaa

  • maxaa laga faa’iday madaxweyne xasan
    1-in dagaalkii beelaha ee 1991 dib usoo noqdo iyo xaasidnimadii iyo nacaybkii. dagaalkaasoo si gumaada uuga socda shabeelada hoose ee DKG ee soomaaliya iyo hiiraan.taasoo curyaaminaysa nabad kusoodabaaliddii soomaaliya iyo wax soosaarkii beeraha oo hoos u dhac ku yaamada nabad darada darteed.
    2-maamuladii kala ahaa puntland iyo maamulka sharciga ahayn ee galmudug iyo jubbaland iyo koonfur galbeed oo uu iska horkeenay madaxweyne xasan taasoo jaanis u ah ururka nabad iyo nolol diidka (UGUS) iyo nabad kusoo dabaaliddii soomaaliya.
    3-madaxweyne xasan waxaa laga faa’iiday dawladdiisa in laboobay dhulkii muhiimkaahaa ee dawladda dhexe lahayd ee muqdisha .dhulkaasoo ah xadiiqooyinkii ama jirdiinooyinkii bilicda muqdisha .jardiinooyinkaasoo ahaa (b)quruxdii muqdisha.(t)jardiinooyinkii lagu haasaawi jiray dadka sheekaysanaya .(j)jardiinooyinkii dhalinyaradu wax ku akhrisan jirtay.(x)jardiinooyinkii lagu nasan jiray (qaarkood feestooyinka lagu qaban jiray sida taalada daljirka daahsoon iyo jardiinada beerta xoriyadda ama sayidka iwm.
    4-madaxweyne xasan waxuu lunshay jaaniskii wanaagsanaa ee laga soo billaabo dawladdii marxuum cabdullaahi yuusuf taasoo ahayd furihii soo saldhigasha dawladihii soomaaliya taasoo si owooda ku soo gashay muqdisha fariisinna ka samaysatay madaxtooyada soomaaliya iyo ayraboorka caalamigaa ee muqdisha saldhigatay dhaxalsiisayna dawladihii ka dambeeyay sida shariif shiikh axmed.qorshihii madaxweyne marxuum cabdullaahi yuusuf ay ka horyimaadeen dhammaan beelihii hawiye oo adeegsanaya borobogaandada tv universal.dawladdaas oo dhaxal fiican u reebtay dawladdii shiikh shariif iyo dawladdii shiikh shariif iyo dr gaas oo ku meelgaarkii xabsigaa’haa ka saaray soomaaliya shabaabna ka saaray meelo fara badan ee muqdisha iyo koonfurtaa soomaaliya.dawladdii shiikh shariif iyo dr gaas meel wanaagsan bay soomaaliya ayaduna gaarsiisay waxaana xukunkii kala wareegay 2011 madaxweyne xasan .doorashadaas oo ahayd doorashadii uugu horreesay soomaaliya soo marta intii burburku jiray .doorashadaas oo si nabada u dhacday .
    hadaba runtii waxaa muuqata dawladdii soo dhaxashay dawladahaas ee madaxweyne xasan waxaa muuqata inuusan qaban waxii laga rabay sida ka sifaynta haraadiga ugus iyo dhamaystirka dawlaha fadaraalkaa iyo in madaxweyne xasan nabadeeyo beelahii colaadu dhex martay iyo in dawladda dhexe soo jiidadato dawlad goboleedyadeeda iyo shacabkeeda intaba waxba kamuusan qaban .hadaba waxaa muuqata in madax weyne xasan uu ku wado soomaaliya burbur iyo xsillooni darro dalkii ka soo kaban lahaa colaada iyo dawlad la’aanta .madaxweyne xasan waxuu burbur iyo colaad ka abuurayaa dawlad goboleedyadii horay u dhisnaa sida dawladda puntland iyo jubbaland iyo koonfur galbeed oo shacabkeedii laxasuuqayo.
    gabagabadii waxaan dawladda xasan maxamuud iyo raysalwasaaraha awood darada ka muuqato kula talin lahaa in si degdega wax looga qabto arimahaan ,
    1-in colaada shabeelada hoose si dhakhsaa wax looga qabto iyo khilaafka iyo colaada laga abuurayo gobolada dhexe.
    2-in dawladda xasan shiikh maxamuud kawaantoowdo wax allaale waxii wax u dhimaya maamuladii horay u dhisnaa sida puntland iyo jubbalan iyo KG. wax mawada saxnaan karaan ,bal’se in dawladdu horey u socoto oo ay dhamaystirto maamulada dhiman ,waayo waxii khaldan marka wax dhismaan ayadaa iska toosmi doonta maadaama ay abuurmayso dawladda soomaaliya kolsoonaan maamuladeeda oo ay ka soo baxdo wax loo’aayo soomaali oo dhan.
    3-in dawladde dhexe wax ka qabato dhulkii dawladda dhexe ee la boobayo ee caasimadda muqdisha.iyo in dawladdu qorshe u samayso dadka soonoqonaaya dhul ama deegaan ay ka helaan caasimaddooda si aysan caasimaddu u noqon meel beelkaliya ay leedahay mustaqbalka dhaw ama fog oo aysan kamuuqan beelihii ka qaxay muqdisha 1991….(soomaaliya waxaa deeqda dowlad cadaalad iyo sinnaan u samaysa dadkeeda ).
    4-in dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyadu sii socdaan shirarka iyo xiriirka aan ku dhisnayn munaafaqadda iyo beenta.oo ay kawada hadlaan masiirka dalka hooyo iyo in labadbaadiya jiritaanka iyo nolosha dadka soomaaliyeed kaasoo ku xiran in dawladda soomaaliya cagaheeda ku istaagto.
    -in si degdega la’isugu dhafo ciidamada qaranka soomaaliya si loo helo hanaan dawladnimo oo ku dhisan ixtiraam beesha caalamkaa iyo wadamada dariskaa waayo dad aan lahayn ciidamo qaran ma noqonoyo dal hela ixtiraam ,manoqonoyo dal jira manoqonayo dal difaacda ciidiisa baddiisa iyo cirkiisa iyo shacabkiisa .manoqonayo dal aan lahayn ciidamo qaran dal aan waaynin fara galin dibadda uuga timaada noockasta ee cadawga khtartaa kaasoo leh kalaro kala gadisan .hadaba jiritaanka soomaaliya ee dawladnimo waxaa aasaas u ah in la dhiso ciidamadii qaranka kuwaasoo wata aaladda casrigaa ee ciidamada
    adduunku maanta ay wataan ,ciidamadaas qaranku waa kuwo meesha kasaaray reer baa nagu sooduulay kuwaasoo raas gaabooni iyo raas casayr ku samaynaya hub kadhigis soomaaliya.
    gabagabadii madaxweyne xasan waari meyside war hakaa haro ee badbaadi dadkaaga iyo dalkaaga ogowna aakhiro iyo adduun ilaahay wuu ku weydiinayaa masuuliyaddii aad u dhaaray.
    wt

  • Walaahi waxan shihi lahaa dagaalku yusan jogsan ilaa biimaal qof ka noshahay wan og nahay in habar gidir aheyn dagaalka ow yahay qaran iyo qabiil

  • sorry waxaa guul dara ah in maanta marka caday dhaxdeda aan ku wada gaalamayno nin ka imaaday galgudood waxaan maqli jiray qof walba mmeesha uu is dhigo ayaa lagu dilaa waxaan lahadlayaa dhalin yarada beesha biyamaal meel wwalba oo ay jogaanba waan Nacasusay in ay beel yar oo muuryaan ah ay Nagu qabsato dhulkeena waa guul daro miyiidan ogayn Taariiqdi Awowyaden iyo geesinimade ay Talyaaniga somaliya kaga xoreeyayn Tariiqdu markay ahayd 1902 waxaa soo weeray somaliya Talyaani kunfurta somaliya waxaana gashaanka u darooray biyamaal waxan ragii kaqay qaday ee ee gumaysiga diiday Hugamin Naayay oon kaxusustaa shekh cadi cismaan abeker gaafle iyo macalin kabtooli waxaa nooga dhintay halganka 10000 Toban kon oo wiil maanta oo Taxriqdo Tahay 2015 in aan qabiil somali ah oo marka ila shekto oo dagaal inoo soo aado waa inaga iyo xomaantayna car car yaa habargidr ah oo Taxriiq ku faani waa balan in aan soo celino Tariiqdi beesha biyomaal

English Articles

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise

Dulmiga Xasan Sheekh Uu Ka Wado Sh/Hoose

Waxqabadkii AUN Maana Xaajow



Kaydka Markacadey.com