Fadlan Caawi : Wiil Naafonimo Iyo Agoonimo Isku Darsaday Oo U Baahan Inuu Helo Daryeel (Sawiro)

Wiilkan yar oo lagu magacaabo Cali Maxamed Cumar, wuxuu ku nool yahay xaafad ka mid ah xaafadaha degmada Marka, xanuunkan ayaa ku dhacay wiilkan isagoo da’diisa ka yareyd 1 sano sida ay sheegtay hooyadiisa Nuurto Mukhtaar Maxamed.

Aabaha dhalay wiilkan ayaa goor hore geeriyooday, hooyo Nuurto Mukhtaar Maxamed ayaa ka codsaneyso bulshada Soomaaliyeed inay ka caawiyaan daryeelka wiilkan yar.

Rasuulka صلى الله عليه وسلم wuxuu yiri:

“أنا وكافل اليتيم في الجنة كهاتين ، وأشار بالسبابة والوسطى ، وفرق بينهما”

Qeexidda Bukaanka oo Kooban:

Magaca Bukaanka : Cali Maxamed Cumar
Magaca Hooyada : Nuurto Mukhtaar Maxamed (Nuurta Taliyow)
Baahida Uu Qabo : Dhaqaale lagu daryeelo iyo Gaari dadka naafada ah u fududeeyo noloshooda.

Qofkii doonayo inuu caawiyo wiilkan yar, wuxuu la xiriiri karaa Lambarada hoos ku qoran:

Tel: 00252615309298 (Nuurto Mukhtaar Maxamed).

AMA

Tel: 00252616066100 (Saalax Kalgacal)

Haddii aad telefoonada kor ku qoran kuu shaqeyn waayaan, waxaad la soo xiriiri kartaa info@markacadey.com, innaga ayaa kuu fududeyn doono xiriirka qoyska dhibaateysan.

DSC02946 DSC02948 DSC02949 DSC02950 DSC02954 DSC02955 DSC02956

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise