Daladaha waxbarashada iyo Wasaaradda waxbarashada maxay isku heystaan?

Tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliyeeda waxaa la burburtay dhamaan nidaamkii waxbarasho iyoi shuruucyadii  aasaasiga ahaa ee waxbarasho , waxaa hakad gelay adeegyadii wax barasho.

Sidaasi darted waxaa si iskood ah isku xilqaamay rag muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ka danqaday jahliga iyo mustabal xumada caruuta Soomaaliyeed ku habsatay , waxayan bilaabeen waxbarashadii iyagu duruuf adag oo kala duduwana kala kulamay una dhabar adeegay iyaga oo maanka ku haya in ay mar uun laga bixi doonaan dhibaatada waxbarasho la,aanta dalkana yeelan dowlad wanaagsan ayaa waxaa u suurta geshay ilaahayn ku kaalmeeyey in ay ku guuleestaan riyadooda   oo aheyd in caruur soomaaliyeed oo wax barata la helo.

Ugu dambeeyntii waxay waxbarahada gaarsiiyeen heer fiican iyaga oo nooqday Ururo ama dalado isu tagtegay oo midoway  ugu dambeentiina sameeyestay nidaam u dhigma kan Wasaaradda waxbarashada .

Cidna kama qarsoona dadaalka waxbarasho ee ay muujiyaan daladahani iyada oo dhalinta Soomaaliyeed ee  manta joogta intooda badan ka  wax barteen.

Ka dib markii ay dhalatay dowladda Soomaliyeed ayaa  wasaaradda waxbarashada iyo daladaha wada hadal sameeyeen si ay isaga kaa shaadaan dadaalka waxbarasho ,  Manhaj midaysan iyo Imtixaan isu mid ah la qaado  dowladdana ay hogaanka qabato iyada oo aan duruufo badan oo xiliga manta lagu jiro taagan la xeerinin  am a la eegin.

Hadda oo la joogo Sanad dugsiyeedkii  ay ardaydu u fariisanayaan ayaa waxaa soo if baxaya  khilaaf xagaga Imtixaan qaadista, Wasaaradda waxay ku an daconeysaa in ay iyada waxbarashada ka mas,uul tahay imtixaankana qaadeyso, halka ay dalladuhana  ku doodayaan in aysan macquul aheyin in Wasaaradda qaado imtixaanka maxaa yeelay sababo amniga ardayda dartiis iyo dowladda oo aan awoodin in ay agabka imtixaanka gaarsiiso ardayda oo ku kala sugan dhul ay dowladda maamusha iyo amid aysan maamulin labadaba, sidaasi suurta gal ma ahan in Wasaaradaa qaado imtixaanka  maxaa yeelay aradayda ayaa imtixaam gefi doona musataqbalkooduna halkaasi ku qasaari doono ama naftooda halis geli doonta sababo amni darted.

 

 

 

 

info@markacadey.com

info@markanews.net

About the author

markacadey

Add Comment

Click here to post a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Current month ye@r day *

English Articles

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise

Dulmiga Xasan Sheekh Uu Ka Wado Sh/Hoose

Waxqabadkii AUN Maana Xaajow



Kaydka Markacadey.com