Madaxweynaha Puntland Dr. C/Weli Gaas Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Garoowe Loogu Sameeyey AUN Danjire Yuusuf Bari Bari

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shaley gelinkii dambe ka qeyb-galay aas qaran oo magaalada Garoowe oo loogu sameeyey Allaha u naxariistee Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari Bari oo ahaa Safiirki Soomaaliya u fadhiyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Madaxweyne Gaas ayaa gaaray garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe oo laga soo dejiyey meydka Marxuum Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari-bari oo laga keenay magaalada muqdisho oo uu ku dhintey marxuumka kadib weerarkii lagu qaaday Hotel Maka Al Mukkaramah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, wafdi balaaran oo uu hogaaminayey Wasiirka Cadaalada Soomaaliya Gen : Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir oo isugu jiray wasiiro iyo xildhibaano, Wasiiro katirsan xukuumadda Puntland, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad, Aqoonyahan, ehelada Marxuumka iyo masuuliyiin kale ayaa sidoo ka qeyb-galay aaska qaran.

Meydka Marxuumka ayaa markii laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe kadib loo soo gudbiyey qabuuraha magaalada Garoowe ayaa waxaa halkaas salaadi jinaasada ku tukaday Madaxweyne Gaas iyo masuuliyiinti kale.

Madaxweyne Gaas ayaa alle uga baryey marxuumka in janadiisa fardowsa uu ka waraabiyo kitaabkiisana uu gacanta midig uga dhiibo, samir iyo iimaan buuxana Alle uu ka siiyo dhammaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland, ehelkiisi iyo asxaabtii uu ka baxay.

” Yuusuf waxaa uu ahaa Danjire qaran, waxa uu ahaa howlkar, waxa uu ahaa nin daacad u ah Soomaaliya,  jecel Soomaaliya in ay isbadasho jecel Soomaaliya in ay meel fiican gaarto, wakhtigiisa inta badan howshaa qaran ayuu ku biyey ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Saaxibo gaar ah oo muddo dheer wada shaqeeyay ayaanu ahayn howlo badan wada qabtay, waxyaabaha runtii uu caanka ku ahaa oo dadka Soomaaliyeed aysan ogayn oo isaguna mar walba ku dadaali jiray waxa ay ahayd ilaalinta xaquuqul insaanka ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Gaas ayaa sheegay inay muhiim tahay in meel looga soo wadajeesto cadowga dilay marxuumka Yuusuf Bari Bari

” Waxaan kaloo rabaa inaan u diro fariin dawladda Federaalka Soomaaliya oo ah dadkaasi ah wax ku oolka Soomaaliya oo runtii maalin walba moodo in xamar lagu laynayo in amnigooda la sugo xil gaar ahna layska saaro ” Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.

1 2 3 4 6 7

info@markacadey.com

info@markanews.net

About the author

markacadey

English Articles

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise

Dulmiga Xasan Sheekh Uu Ka Wado Sh/Hoose

Waxqabadkii AUN Maana Xaajow



Kaydka Markacadey.com