Taariikh Nololeedkii (AUN) Avv. Sheekh Xuseen Axmed Cabdulaahi oo kooban.

Somali ClericAllaha u naxariistee, waxaa magaalada Minneapolis ee USA ku geeriyooday habeenimadii Sabtiga ee 21/9/2013 Garyaqaan Sheekh Xuseen Axmed Cabdulaahi (Sheekh Xuseen Gaduudow).
Sheikh Xuseen wuxuu ku dhashay Deegaanka WAREERMALE ee Degmada BARAAWE sanadkii 1931kii. Markii uu dhameystay waxbarashadiisii Qur’aanka Kariimka wuxuu ku biiray ardaydii wax ka baran jirtay xalaqaatka Sheekh C/laahi Macalin Yuusuf, kaasoo markii uu heer wanaagsan ka gaaray Sheekhiisu ku daray arday loo qaadayay dalka Masar si ay usii wataan Tacliintooda, wuxuuna Jaamacadda Azhar Alshariif kasoo qaatay shahaadada Bachelorka ee dhanka Qaanuunka iyo Shareecada Islaamka.

Somali Cleric
Somali Cleric

Sheekh Xuseen Axmed Cabdulaahi oo markii uu dalka kusoo laabtay ka howl bilaabay Maxkamadaha dalka, wuxuuna kasoo shaqeeyay meelo badan oo ay ka mid tahay Gobolka Woqooyi Galbeed (Somaliland) magaalada Hargeysa. Wuxuu markii dambe ka mid noqday garsoorayaashii Maxkamadda Sare ee dalka isagoo noqday Guddoomiye ku xigeenkii Maxkamadda Sare ee dalka.
Sheikh Xuseen Gaduudow oo markii dambe ka ruqseystay shaqada ka dib markii uu u adkeysan waayay xad gudubyadii loo geysanayay shacabka, sida uu sheegay, wuxuuna go’aansaday in uu Qareenimo ku howl galo si uu u difaaco xuquuqda dulmanayaasha, wuxuuna howshaas ku jiray ilaa ay bur burto dowladdii Mileteriga ee dalka ka talin jirtay.
Allha u naxariisto wuxuu Sheekh ku geeriyooday dalka Mareykanka magaalada Minneapolis oo sanadahaan dambe ku noolaa, wuxuu cimrigiisu jiray 82 sano sida ay noo sheegeen dad qaraabadiisa ah.

 

W/D:Muhiadin Mohamed Hagi-Ibrahim

Email:  muhyadin2001@yahoo.com

Somali Cleric

 

info@markacadey.com

info@markanews.net

About the author

markacadey

English Articles

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise

Dulmiga Xasan Sheekh Uu Ka Wado Sh/Hoose

Waxqabadkii AUN Maana Xaajow



Kaydka Markacadey.com