Tacsi : Hooyo Faduma Cumar Muuse

Innaalilahi Waa Inna Illeyhi Raajicuun

Waxaa maanta oo ay taariikh 8 Bisha January 2015 magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyootay Marxuumad Hooyo Faduma Cumar Muuse.

Geeridu waana  xaq ku waajibay noole oo dhan, Marxuumad hooyo Faaduma ajasheda maanta ay ku ekeeday waxa kaliya innoo furan in aan nirahdo “Innaalilahi Waa Inna Illeyhi Raajicuun”

Anigoo ku hadlaya magaceyga kana Xaaskeyga faduma Ismail, kan Reeer Fiqi Cusmaan iyo kan Jaaliyadda Australia, waxaanhalkan tacsi murugo leh u dirayaa dhamman reer Abukar Xussein oo hadda dhammantood ku sugan magaaladda Toronto ee dalka Canada. Kuwaas oo kala ah: Drs. Caasha Abukar Xussein, Eng. Cali Abukar Xussein, Khadra Abukar Xussein, Cabdirashiid Abukar Xussein,  Asli Abukar Xussein, Moxamed Abukar Xussein iyo dhamman carrutooda iyo inta ay sii dhaleen.

Waxaan tacsi taas la mid ah u dirayaa dhamman ehelada, qaraabada, asaxaabta iyo inta aqoon gaar ah u lahayd Marxuumad Hooyo Faduma Cumar Muuse, gaar ahaan Avocato Mahamed Abukar Mohamed ( Geytano) , Xaashiisa Baarlin cali Abdi iyo Ambaasador/ Xildhibaan Abdulaahi Sheikh Ismail iyo Ambassador Abdullahi Sheikh Sufi

Waxaana Eebe uga baryeynaa inuu samir iyo imaan ka siiyo geerida Hooyo Faduma Cumar. Marxuumadana waxaan Eebe uga baryeynaa inuu Kitaabkeeda gacanta Midig ka siiyo, Jannadiisa Firdawsa ka waraabiyo intii ay ifka uga tagtayna Eebe ka dhigo kuwo  xusuusta  Hooyo weligood qalbiga ku haya.

Amiin, Amiin, Ammin!!!

Dr. Nur Fiqi Osman

info@markacadey.com

info@markanews.net

About the author

markacadey

1 Comment

Click here to post a comment

English Articles

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise

Dulmiga Xasan Sheekh Uu Ka Wado Sh/Hoose

Waxqabadkii AUN Maana Xaajow



Kaydka Markacadey.com