Dhageyso: Wareysi gaar ah oo aan layeelanay Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta Maamulka Koofur Galbeed.

Wasiirka Awqaafta iyo arimaha diinta Mudane Axmed Maxamed (Macalin Barre) ayaa sheegay inuu soo dhoweynaayo magacaabida golaha wasiirada Koonfur Galbeed, waxaana uu sheegay in wadatashi dheer kadib uu madaxweyne Shariif uu magacaabay golohiisa wasiirad,a uuna ku faraxsan yahay isaga in loo magacaabo wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta

Mar aan wax ka weydiinay colaada gobolka Sh/Hoose ayuu sheegay inuu soo dhoweynaayo gogosha uu dhigaayo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay muhiimada tahay in la isasoo hor fadhiisto oo lawada hadlo, cidii dulmana ay qaban doonaan hadii ay yihiin maamulka Koonfur Galbeed.

Mar aan wax ka weydiinay shakhsiyaadka aan kasoo jeedin gobolada Koonfur Galbeed oo loo magacaabay wasiiro, wuxuu sheegay in muhiimada ay tahay in ladhiso maamul iyo kala dambeyn kadib ayay imaan kartaa in la yiraahdo hebel xaq buu leeyahay hebelna xaq malahan.

Halkaan ka dhageyso Wareysiga Macalin Barre oo dhameestiran.

Bare wareysi

info@markacadey.com

info@markanews.net

About the author

author

author

22 Comments

Click here to post a comment

English Articles

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise

Dulmiga Xasan Sheekh Uu Ka Wado Sh/Hoose

Waxqabadkii AUN Maana Xaajow



Kaydka Markacadey.com