Dhageyso: waxgarad kasoo jeeda Gobolka Sh/hoose oo si kulul ugu hadlay Golaha wasiirada u soo magacaabay MD Shariif Xasan.

Col. Nuur Cali Axmed oo loo yaqaano col. cali gaab oo ka mid ah wax garadka shabeelada hoose ka soojeeda kanamid ahaa saraakiishii dowladii dhexe ee soomaaliya oo hada ku sugan shabeelada hoose oo wareysi gaar ah siiyay Radio Danan ee magaalada muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in aaney u Cuntumin qaabka shariif xasan uu wax umagacaabay.

Koroneelka ayaa waxaa uu intaas ku dar in aad iyo aad ugu soo horjeedaan raga aan udhalanin gobolka oo xilal lomagacaabay waxaana uu intaas raaciyay in shacabka kunool shabeelada hoose laduudsiiyay xuquuqdii ay kulahaayeen maamulka shariifxasan sheikh aadan.

waxaan weydiinay wax garadkaan qaabka ay wax urabeen waxaana uu ku jawaabay waxaan dooneynay in maamulka uu ku koobnaado dhamaan shacab weynaha ka soojeeda sedaxda gobol baay,bakool iyo shabeelada hoose ee ma falinaynin in rag ka soojeeda gobolada dhexe iyo shabeelada dhexe xilala loo magacaabayo.

100101_005

info@markacadey.com

info@markanews.net

About the author

author

author

19 Comments

Click here to post a comment

English Articles

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise

Dulmiga Xasan Sheekh Uu Ka Wado Sh/Hoose

Waxqabadkii AUN Maana Xaajow



Kaydka Markacadey.com