Dhageyso Nabadoon Fanax “C/lahi Goodax Barre Wuxuu Xaq U Leeyahay Inuu Jowhar Iyo Hiiraan U Magacaabo Agaasime, Sh/Hoose Shaqo Ma Ku Lahan”

Wasaarada arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa maanta wareegto ay soo saartay lagu magacaabay labo xil oo kala ah Agaasimaha guud ee qorsheynta iyo Xiriiriyaha hay’adaha samafalka gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo aan wax tixgelin ah lasiinin dadka deegaanka wax talana aysan ku lahayn.

Nabadoon fanax oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee ka soo ka soo jeeda shabeelada hoose oo lahadlay radio Danan ee magaalada muqdisho ayaa waxaa uu siweyn ugu soo horjeestay go,aankii wasaarada arimaha gudaha ee ay ku magacawday laba shakhsi oo ukala qaabilsan xiriiriyaha hay’adaha samafalka iyo agaasimaha guud ee qorsheynta iyo hor marinta deegaanka.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo ifbaxaayay jagooyin ay iska magacaabayaan mooryaanta looga adkaaday gobolka sh.hoose military ahaan,  waxaa ay maalmahanwadaan dagaal siyaasadeed oo dadka deegaanka ay isha ku hayaan ayna diyar u yihiin inay gobolka sh.hoose u huraan naf iyo maal. Iyadoo ay soo ifbaxday maalmahaan Jagadii horey uu usheegan jiray mooryaan mudane lugey uu sheegto mooryaan kale oo isagana isasoo magacaabay.

Nabadoon fanax ayaa gaashaanka u duray dhamaan mooryaantan in gobolka sh.hoose waxba ka noqon Karin, kalkaan ka dhageyso Nabadoon fanax oo arimahaasi ka hadlaya.

Dhageyso

info@markacadey.com

info@markanews.net

About the author

markacadey

6 Comments

Click here to post a comment

English Articles

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise

Dulmiga Xasan Sheekh Uu Ka Wado Sh/Hoose

Waxqabadkii AUN Maana Xaajow



Kaydka Markacadey.com