Dhageyso: Col.Maxamed Faarax “Dadka wada hadalada ka wada xamar naga mid maahan waa calooshood u shaqeystayaal.”

waxaa isa soo taraya qeylo dhaanta kasoo yeereysa waxgaradka beesha biimaal ee ku aadan wadahadalada qarsoodiga ah ee maalmahan ka socday magaalada muqdisho, shakhsiyaad ka ku howlan wada hadaladaan qarsoodiga ah ayaan wax kalsooni ah ka heysan dadka ay sheegaan inay matalaan.

xog hoose oo ay heleyso shabakada markacadey.com ayaa sheegaya in wadahadaladii qarsoodiga ahaa ay qarka u saran yihiin inay daaqada ka baxaan. Waxaana jiro qeeb kamid ah odayaasha dhaqanka beesha biimaal ee ku sugan magaalada muqdisho  oo si aad ah ugasoo horjeestay.

Ugaas faarax cabdi oo kamid ah odayaasha dhaqanka beesha biimaal oo kusugan magaalada muqdisho waxaa uu sheegay inuusan waxba kalasocon wada xaajoodkan, dadka wadana uu ku sheegay inay yihiin kuwo aan waxba ka badali Karin masiirka beesha biimaal iyo deeganadeeda.

Taliska ciidamada deegaan ka oo maalmahaanba isha kuhaayay waxa ka socda magaalada muqdisho  ayaa ugu dambeyntii cadeeyay mowqifkooda ku aadan wada hadalada qarsoodiga ah ee ka socda magaalada muqdisho.

Waxaa noo suura gashay inaan xiriir lasameyno afhayeenka Howlgalada Ciidamada Deegaanka Col. Maxamed Faarax isagoo ku sugan Duleedka Magaalada marka, waxaan ka wareysanay halka ay marayaan howlgalada ciidamada degaanka ee ka dhanka ah maleeshiyada kusoo duushay gobolka iyo waxa ay kala socdaan wada hadalada qarsoodiga ah ee maalmahan kasocday magaalada muqdisho.

Halkaan ka dhageyso wareysiga aan la yeelanay Col.Maxamed Faarax.

Dhageyso

info@markacadey.com

info@markanews.net

About the author

markacadey

11 Comments

Click here to post a comment

English Articles

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise

Dulmiga Xasan Sheekh Uu Ka Wado Sh/Hoose

Waxqabadkii AUN Maana Xaajow



Kaydka Markacadey.com