Dhageyso: Maamulka k/G Soomaliya Oo ka Warbixiyay kulankii ay la qaateen Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka soomaaliya prof. maxamed sh.cismaan jawaari ayaa waxaa uu ku sugan yahay magaalada baydhaba ee xarunta gobolka Bay, prof jawaari ayaa kulamo la yeeshay Maamulka koonfur galbeed iyo taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan Baydhaba.

Madaxweyne kuxigeenka maamulka koonfur galbeed soomaaliya maxamed xasan fiqi ayaa saxaafada uga warbixiyay kulanka ay la qaateen gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka soomaaliya, waxaa uuna sheegay in howlaha maamulka koonfur galbeed ay marayaan heer gabagabo ah.

Waxaa uu sheegay inay meesha ka baxday kala qoqobsanaantii ka jirtay magaalada ayna shacabka iyo mas’uuliyiinta ay isku raaceen inay maamulkooda si wadajir ah u dhistaan ayna ka gudbaan kala qeybbsanaanta.

Shirkiisa jaraa’id kadib ayaa waxaa inoo suura gashay inaan wareysi gaar ah la yeelano madaxweyne kuxigeenka maamulka KGS mudane maxamed xasan fiqi, waxaan wax ka weydiinay booqashada gudoomiyha barlamaanka federaalka soomaliya jawaari iyo gudoomiyihii hore ee baarlamaanka soomaaliya ahna mudane ka tirsan baarlamaanka soomaliya mudane shariif xasan Sheekh Aadan.

Wareysiga oo dhameestiran halkaan ka dhageyso.

Maxamed Xsan fiqi

info@markacadey.com

info@markanews.net

About the author

markacadey

English Articles

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise

Dulmiga Xasan Sheekh Uu Ka Wado Sh/Hoose

Waxqabadkii AUN Maana Xaajow



Kaydka Markacadey.com