Dhageyso: M/kuxigeenka maamulka KGS oo ka hadlay qabashadii magaalooyinka Buulo mareer iyo Golweyn.

Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya maxamed xasan fiqi ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalada dhowaan ka dhacay buulo mareeer iyo golweyn, dagaalkaas oo u dhaxeeyay ciidamada Amisom iyo dagaalyahanada alshabaab. Ciidamada Amisom ayaa u suura gashay inay la wareegaan gacan ku heynta magaalooyinka buulo mareer iyo golweyn.

Waxaa ciidamada Amisom ka barbar dagaalamaya ciidamo soomaali ah oo ku magacaaban ciidamada militariga oo u awaawulan hab beeleed, taas oo durbadiiba laga dareemay falal amni daro ah oo ay kula kaceen dadka deegaanka ah, waxaana isa soo taraya qeyla dhaanta mas’uuliyiinta Dowlad goboleedka koonfur galbeed kuwaasoo digniino kasoo saaray cawaaqib xumada ay yeelan karto falalka ay ku kacayaan ciidamadaan u awaawulan hab beeleed.

Maxamed Xasan fiqi oo ah Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka koonfur galbeed  oo Shir Jaraa’id uu ku qabtay magaalada baydhaba kadib waxaa uu wareysi gaar ah siiyay shabakada caalamiga ah ee markacadey.com, waxaa uu sheegay inay soo dhaweynayaan Qabashada magaalooyinka  Buulo Mareer iyo golweyn,  waxaa uuna ka dhawaajiyey in ciidamada kabaya kuwa Amiso ay mudnaayeen ciidamada deegaanka u dhashay oo kalsooni fiican ka heysta dadka deegaanka.

Wareysiga oo dhameestiran halkaan ka dhageyso.

fiqi

info@markacadey.com

info@markanews.net

About the author

markacadey

17 Comments

Click here to post a comment

English Articles

Toos U Dhageyso Radio Danan

Qubanaha Markacadey.com

Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Suldaan Cali Ciise

Dulmiga Xasan Sheekh Uu Ka Wado Sh/Hoose

Waxqabadkii AUN Maana Xaajow



Kaydka Markacadey.com