Home / Wararka / Yaa fashilmay, Ma Xasan-aa mise Dam-jadiid Mise Hawiye?

Yaa fashilmay, Ma Xasan-aa mise Dam-jadiid Mise Hawiye?

Wax cusub ma aha in fashilka ka dhaca Muqdisho mar walba loo saariyo qolooyin kale oo gobolo kale oo dhaca soomaliya ku nool ama dibadda ah, waxaan inta badan maqalnaa in dowladda Soomaliya ay ka shaqeyn la’dahay maamul goboleedyada ama maamul goboleedka Puntland ama dalalka deriska ah ama shisheeye doonaya in aysan soomalida heshiin, laakiin dhamaan marmarsiyahaas waa kuwo ay dadka ka mas’uulka ah dhibaatada Soomaliya ay ku qarinayaan Fashilkooda.

Fashilka ku dhacay Xasan Sheekh Maxamuud mas’uul kama aha Dam-jadiid ama cid kale, waxaa mas’uul ka ah guud ahaan kuwa isku sheega siyaasiyiin, aqoonyahano,ganacsato, saraakiil ciidan, ama hogaamiye dhaqameed ee ka soo jeeda beesha Hawiye. Ogow dadka soomaliyeed ee sharafta badan ee ka soo jeeda Hawiye waxba kuma laha dhibaatada ay siyaasiyiintaas wadaan, iyaga laftigoodana waxa ka mid yihiin dadka dhibaatada culus ka soo gaartay ilaa hadana ka soo gaareyso siyaasadaha daneysiga iyo jahliga ku dhisan ee qoladaas ay heybta qabiil wadaagaan.

Kuwaas aan kor ku soo xusay oo uu ka mid yahay Xasan Sheekh ayaa ah kuwa ka mas’uulka ah dhibaatada ay Soomalida ku jiraan mudada dheer waayo waxa ay afduub u heysteen Soomalida mudo 23, oo ay ka mid yihin dadka caadiga ah ee u dhashay beesha ay u nasabsheegtaan, waayo waxa ay ku qaldayaan ama ugu beer-laxawsanayaan been aan soconeyn, waxayna soomalida ku jahwareerinayeen siyaasado kala gedisan oo natiijadeeda tahay in soomalida aysan ka soo kaban dhibkii soo gaaray.

Waa kuwo aan siyaasada iyo dowladnimada  waxba ka qoon,oo ku dheereeya sida hanti iyo magac looga sameeyo dagaalo laga huriyo soomaliya, mooshino baarlamaanka la geeyo, in badda soomaliya la gato, in magac Islaam iyo mid wadanimo soomalida dagaalo aan loo baahneyn lagu geliyo.

Waa kuwa sameeyay maxkamado qabiileedkii la magac baxay Maxkamadaha Islaamiga, diidayna in ay xukuumadii Marxuum Cabdullahi Yuusuf ay la heshiiyaan,taas oo keentay in soomaliya ay soo galaan ciidamada Itoobiya, kadib markii daandaasi aan loo baahneyn ku sameeyeen, laakiin waxaa la yaab leh in isla siyaasiyiintii shalay ku  sheegayey Itoobiya in cadow taariikhi ah u tahay soomalida ay maanta ku soo dhaweeyeen Ciidamada Itoobiya Mashxarad iyo alalaase, iyagoo ku sheegaya in ay yihiin ciidamada kaliya ee ka adkaan kara Al-shabaab.

Waa siyaasiyiinta iyagoo ciidamada Itoobiya xilligan ku tilmaamaya saaxiibka kaliya ee ku caawin kara dowlada in Shabaab laga adkaado laakiin haddana Jihaad ku iclaamiyay ciidamad Kenya iyadoo aan wada ognahay in ay labadaba shisheeye yihiin.

Waxa fashiliyay Xukuumadda Xasan Sheekh waa siyaasiyiinta, ganacsatada iyo aqoon-yahano ku sheega Hawiye oo dowladnimadii soomaliya u adeegsaday sida NGO, ay lacago badan ku helaan. Waxaad ku arkeysaa qoladaas aan soo sheegay nin xildhibaan ah oo haddana ah qandaraasle lacago ku qaata dib u dhiska dhisme dowladeed sida Axmed Ducaale Xaaf oo kale.

Waxaad ku arkeysaa Xildhibaan Baarlamaan, isla markaana ah madaxa saadka ee waxa loogu yeero ciidamada Xooga dalka Soomliyeed, sida; Cabdulqaadir Macalim Nuur, waa siyaasiyiin dowladnimad raba in ay uga faa’ideystaan in ay lacago ku helaan,oo aan fiirineyn danaha Umadda Soomaliyeed.

Waxaa ka mas’uul ah fashilka Dowladda hadda jirta Xasan Sheekh ee rag u dhashay beeshiisa u magacaabay jagooyin muhiim ah oo aysan karti iyo aqoon u lahayn.

Waa raga ka soo jeeda Hawiye ee dagaalada dhul-balaarsi ka wada Sh.Hoose iyagoo adeegsanaya awoodii iyo magacii soomaliya.

Iskadaba-wareeg aan dhamaad lahayn

Siyaasiyiinta Hawiye ee aan soo sheegay waxa ay ku wareegsanayaan, soomalidana ku wareejinayaan wareeg aan dhamaad lahayn, kaas oo aad arkeyso in meesha ay talaabada ka bilaaben haddana ku soo noqonayaan, waana wareeg aan wax faa’ido ah soo kordhineyn, haadaan dheerna ka sii tuuri doono qaranimada soomalida, hadii aan laga qaban soomaliya dadkaas.

Tusaale ahaan, Jihaadkii 2006 lagu iclaamiyay mid la mid ah ayaa suuro gal ah in maalmo kadib lagu iclaamiyo Itoobiya mar kale, kadib marki ay siyaasdooda ka dhex arki waayaan, xildhibaanadii shalay Xasan Sheekh ka agdhowaa oo ku qalqaalinayey in uu shaqada ka ceyriyo Saacid Shirdoon ayaa maanta u ololeynaya in ay isaga jagada ka qaadan, isla ayaga ayaan arki doona iyagoo hadana saa dambe midki lagu bedelay Xasan Sheekh Mooshin ka keenaya ama maalgelinaya in la rido.

Maxaa xal ah?

Xalka waxa uu ku jiraa in siyaasiyiintaas ay ictiraafaan in aysan karti u lahayn hogaaminta soomalida, ayna ogaadaan in soomalida ay afduub u heysteen mudo 23, oo iyagana is dhibaateen soomalida dhibaateen, oo hadda la joogo xilligii ay qiran lahaayeen fashilkooda, ayna cafis weydiisan lahaayeen soomalida kale, si soomalida uu ugu bilowdo bog cusub, una soo noqoto walaaltinimadii una dhamaato colaada.

Waa in ay ogaadaan in caqliyada NGO aan qaran iyo dowladnimo lagu dhisi karin, Xasan Sheekh Dowladiisana ay ahayd dowlad NGO oo dadka garwadeenka ka ahna ay ujeedooda ahayd in inta uu socdo mashruucaas ay lacag ka sameeyaan, marka uu dhamaadana ay haddana ku dadaalaan sidii mashruuc NGO kale ku heli lahaayeen.

Ragaas aan soo xusay waa in ay iska iloobaan dhul-balaarsiga ay ka wadaan Sh.Hoose iyo gobolada kale ee Soomaliya,ayna gacmaha qabsadaan walaalahooda, si ay u dhamaato colaada daba dheeraatay ee Soomaliya.

Maxamuud Ciise

jbiimaal@gmail.com

 

Fikirka uu xambaarsan yahay maqaalkan marna kama turjumayo aragtida markacadey.com,mas’uul-na kama aha wixii mas’uuliyad ah ee ka dhasha.

About author

author

7 comments

  1. Wa run taasi bro insha allh wy dhaman don taa xerag jiidka ka socda muqdisho

  2. Walal WA runta isha ayadkatogatay

  3. wax garad wax looma sheego

    waa mahad ilaah haddii uu gefkisa qadanayo oo uu ogaado in uu magacii uu meesha ku yimid in uu ku dheelay oo uu dhaartiina beeniyaya ee wey ka horeysaa intii xumaan uu horseedka u ahaa

  4. Hadaan cadaalad ka helin amaan ka heli maayo sidaa darteed cadaalad ayaa wada deeqda somali si taas loo helo waa run in hogaanka somaliya ay ku fashilmeen hawiye waayo kooda wanaagsan waxaa madaxa ka qabsada qaraabadiisa ku ag teedsan oo dano gaar ka fushada si aan koo helin cadaalad waayo cadaalada dadka ugu horeeya oo ka hor imanaya waa kuwa dhul boobka ah oo misena xoog ku heysta hanti gaar iyo mid guud kuna naaxey.

    Hadeer waxaa la joogaa waqtigii aan cidina naga mudnayn hogaan somali u dhexeeya inaan u istaagno waayo hogaan reer gaar u leeyihiin ma ahan wuxu ee waa hogaan somaliyeed.

    Wabillaahi tawfiiq

  5. dabliqe direed

    Maxamud ciise bravo
    sifudud ayaad uqeexday
    Waa looyaabaa hawiye cadawgooda tirabadanaa waa beel aad uyar ee laakiin waalabuunbuuniyay

  6. Kuli waa kashifmeen ee halarebin abaa

  7. Wallee.ciddii hawiye huutu dawladnimo ka suga waa nin is yeelyeelaya, hawiye dawladnimada xasaasiyad bay ka qabaan, mana doonayaan dawladnimo, nin aan saaxiibnahay oo xamar dhawaan ka soo laabtay baa wuxuu ku soo arkay arrin la yaableh, wuxuu yiri waxaan soo arkay dad dawladnimada u arka cadow iyaga duulaan ku ah, wuxuu yiri
    Haddii waddo qashin laga qaado, subaxa dambe waxaad arki qashinkii Meesha laga qaaday mid sadex goor ka badan oo Meesha yaalla, wuxuu yiri Haddii baalle cusub oo nal ah wadada laga taago waxay ka agtaagayaan tiir si baallaha bilicdiisa loo qariyo, waxay Kaloo qarxis ku billaabeen baallayaasha nalka cadceedda ku shaqeeya, yacni waxay ka soo horjeedaan wax kasta oo wanaagsan, waxay qabaan cuqdad nafsi aan daawo lahayn (Infiriority complex)

    Hadal iyo dhamaantii hawiye dawladnimada iyo nidaamka iyo bilicda, Xanuun bay ka qaadaan!!!!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Current month ye@r day *

live webcam girls
Scroll To Top