Home / Wararka / Ciidamo Taabacsan Maamulka Jubba Oo La Wareegay Beled Xaawo, Ethiopia Oo U banaysay Magaalada

Ciidamo Taabacsan Maamulka Jubba Oo La Wareegay Beled Xaawo, Ethiopia Oo U banaysay Magaalada

Markacadey.com : Wararka laga helaayo degmada Buulo Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegayo in ciidamo taabacsan maamulka Jubba oo ka tagay magaalada Dooloow in ay dul degeen magaalada Balad Xaawo.

Ciidamadda Ethiopia oo halkaasi ku sugnaa ayaa ka baxay magaalada Beled Xaawo, Ethiopianka ayaa u muuqda in ay u baneeyeen ciidamadda Dooloow ka yimid magaaladaasi.

Beled Xaawo waxaa horey ugu sugnaa maleeshiyaad ku howl gala magaca dowladda Somalia isla markaasna taabacsanaa horjooge Barre Hiiraale. Ciidamada ka yimid dhanka Doolow ayaa la soo sheegayaa inay taageero buuxdo ka helayaan maamulka Jubba ee xaruntiisa tahay Kismaayo.

Iska horimaad kooban ayaa maanta gelinkii hore ka dhacay Buulo Xaawo iyadoo wararka ay xaqiijinayaan in ciidamadii ka yimid dhanka Doolow ay magaalada inteeda badan xoog kula wareegeen.

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa la waday in waanwaan lagu xaliyo khilaafka u dhexeeyo Xamar iyo Kismaayo, balse markii ay waanwaantii guuldaraysatay ayaa markaan lagu xalinayaa qoriga caaradiisa, iyadoo shacabkii magaalada Beled Xaawo intooda badan ay iskaga barakaceen degmada.

 

info@markacadey.com

info@markanews.net

About markacadey

One comment

  1. dadka hadey rabin ma laqasbaayaa.juba waxlayiraahdoma jiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Current month ye@r day *

live webcam girls
Scroll To Top