Home / Wararka / War culus: Qaabkii Xasan Sheekh Soomalida looga horwareejin lahaa oo looga arinsanayo Hotel Saxafi

War culus: Qaabkii Xasan Sheekh Soomalida looga horwareejin lahaa oo looga arinsanayo Hotel Saxafi

In kabadan 100 xildhibaan ayaa hadda shir ay uga soo horjeedaan siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu uga socdaa Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in siyaasad-xumida uu Xasan Sheekh dalka ku hogaaminayo ay gaartay heer aan indhaha laga qarsan karin, ayna ka arinsanayaan sida ugu wanaagsan ee ay uga jawaabayaan arintaas.

Qaar ka mid ah xildhibaanadan ayaa u sheegay saxaafada in Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay ku fashilmeen arimaha gudaha sida dhinaca ammaanka oo faraha ka baxay iyo dhinaca arimaha dibadda ayna tahay in uu bulshada soo maaliyeed ka hor wareego.

Saxaafada ayaa banaanka ka joogta kulankaas, oo loo diiday in ay goob joog ka ahaadaan, waxaase lagu wargeliyay in marka uu soo idlaado warmurtiyeedka kulanka loo akhrin doono.

Kulan lagu waday in maanta xubnaha baarlamaanka ay isugu yimaadaan xarunta Baarlamaanka ayaa baaqday, kadib markii xildhibaano badan ay soo aadeen kulanka Hotel Saxafi.

Kulanka xildhibaanadan ayaa yimid iyadoo maalintii shalay ahayd ay soo baxeen warar sheegaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Xasan Sheekh iyo madaxda dalka Ethiopia, iyadoo horay uu aad u xumaa xiriirka Kenya iyo Kooxda Xasan Sheekh, taas oo keentay in Magaalada Nairobi lagu xiro Qunsulkii safaarada Soomaliya ee Kenya.

About author

author

3 comments

  1. Asc siyaasada daamojadiid siyasad Dallas iyo dibada way xumaatay barlamanka firiya Santa shacabka sidagdeg ah goan kaqaata adkurideysan daamoxumo

  2. wax garad wax looma sheego

    tan waa mid horey u bilawatay isla markiba uu isku xubsaday in uu noqday mas’uulkii soomaliya waxaas bilaaway in uu is yiraahdo adaka adiga ayaa uGu aqli badan ee intii ay waqti tahay oo aad heysota oo ay dadka iyaga isku maqan yihii adigane beec ku wareeji oo gado soomali oo dhanba ee addiga iyo hawiiye xaaro is meel mariya oo waxna meel ka dhiigta ee dhulka bimaal weyne iyo inta kale oo la degtana kala wareega inta kalena dejiya qolada ka soo hayaantay kilinka shanaad iyo meel aan la aqoon ee culusow adiga tii ilaah kuma tashan ee tiisa yuu firiyaya ee waa mahad ilaah manta asiga ayuu dadkii qadayaa intii ay beenta is fareena wey racayaan idinka ilaah ee waa la wada ogyahay meelaha aan wada degno iyo daadka nala degaanba ee intaan hadeer isku been sheegayso in ay jubbooyinka ay degaankooda yahay oo aan la aqoon meel ay ka wada yimaadeen iyagana midkale ayaa sugeyso daadkii qaaday culusow mid karana ee kuwii uu u soo gelin jirey dareeska dowlada bal iyagana ka warama oo ay isku talada ay ahayeen oo ay ku wada socdeen dhul boobka oo ay isku been shegayaan sidii loo tirtiri lahaa dadka dega shabelada hoose oo uu soo dhubi jirey hubka in ay ku layaan dadka dega deganadaas oo ah reer shabelada hoose walee waaga kugu beryaya ee aan iska ilaalini duliga intii uu noo soo dhibi lahaa sun waa cadaawo asiga iyo kuwii uu hogaanka u hayaya ee indhahiina wada furta ee ilaka ilaaliya tuuga ciil baa hayo waqtigiisa waa dhamaday oo dadweynahii wey wada fahmeen waa mahad ilaah kii qayaano wato sidaan lee u dembeyso!!!!!!!!!!!!!

  3. war waxaan mar hore ayay ahayd in meesha ladhaafiyo ee wuuba nagudaahay ilaahoow mid kharqaba oo caadil ah noogu badal aamiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Current month ye@r day *

live webcam girls
Scroll To Top