Home / Wararka / Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka oo ka qeyb galay kulan lagu heshiisiinayay beelo wada dega Gobolka Mudug “Sawirro”

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka oo ka qeyb galay kulan lagu heshiisiinayay beelo wada dega Gobolka Mudug “Sawirro”

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta ka qeyb galay kulan lagu heshiisiinayay labo beelood oo wada degta gobolka Mudug, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay odoyaal dhaqameed, waxgarad, siyaasiyiin iyo qeybaha kale ee bulshada waxaana diiradda lagu saaray sidii heshiis buuxo ay u wada qaadan lahaayeen beelaha wada dega Gobolka Mudug, islamarkaana lagu dadaallo sidii looga wada shaqeyn lahaa nabadda gobolkaasi.

Nabadoon Maxamed Xasan Ciro iyo Nabadoon Saciid Faarax Jimcaale oo ku hadlayay magaca labada dhinac ee ay horey dirarta ugu dhex martay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, ayaa waxa ay sheegeen inay qaateen gogoshii Nabadda ee loo fidiyay, islamarkaana ay ku dadaallayaan sidii ay u xoojin lahaayeen heshiiskaasi lakala saxiixday.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo gabo gabadii kulankaasi dib u heshiisiinta ka hadlay ayaa sheegay in aad u muhiimsantahay in dadka ood wadaaga ah ay heshiiyaan, isagoo xusay in dowladdu Soomaaliya ay taageerayso wax kasta oo horseedi kara in nabadda lagu wada noolaado.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa gudaha Magaalada ka socday shirar looga hadlayay sidii lagu gaari lahaa heshiis lakala dhex dhigo labo beelood oo wada degmada Gobolka Mudug, iyadoo maantana la soo gabo gabeeyay kulamadii arrimahaasi looga hadlayay, islamarkaana heshiis lakala qaatay.

DSC06086 DSC06096 DSC06105 DSC06113 DSC06123DSC06122DSC06073DSC06075                            

info@markacadey.com
info@markanews.net

About Editor

Editor

4 comments

  1. Waxaa la rabey inaad sheegtaan kuwa ay yihiin beelaha la heshiisiiyey iyo waxey ku heshiiyeen.Sidoo kale waa Mudug ja xaggee degaanka lagu heshiisiiyey beelaha.

  2. caajaaib bro beelaha heshiiyey waa saleban cabdale iyo sacad deganada lagu heshiiyey waa meelo ak tirsan gobolka mudug colaad u dhxeesay beelahaan mudo 10sano ak badan baana laga heshiiyey waa sidaas waxa ka mid ah meelaha ama deganada uu heshiiskaan anfcaayo magalo madaxda gobolka ee galkacyo ka bilow ilaaa koofurta gobolka mudug oo dhan oo ay beea
    lhaan isla degaan

  3. Wiil Surre Golol

    Beesha Saleban Cabdalle VS Sacad at golol sxb.

  4. Waryaa yaarahee meesha waxaa ka muuqdo Tugii weynaa ee reer Minnesota ee Cabdi Madoobe ahaa ee habargdir ayaa meesha ka muuqa,,,,Meeshaas waxaa ka cad in Hawiye oo dhan ay u shaqatageen Xamar si ay u boobaan Hantida ummada somaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Current month ye@r day *

live webcam girls
Scroll To Top