Home / Wararka / Ciimada Nabadgelyada Degmada MARKA Oo Xoog Ku Qaaday Jidgooyo La Soo Dhigay Buufow-Bacaad iyo Gandaawi

Ciimada Nabadgelyada Degmada MARKA Oo Xoog Ku Qaaday Jidgooyo La Soo Dhigay Buufow-Bacaad iyo Gandaawi

Howlgal Maanta ay sameeyeen Ciidamada Deegaanka oo ay horkacayeen saraakiisha Deegaanka ayaa waxaa laga sameeyey Duleedka Magaalada Marka.

Ciidamada howlgalka sameynayey oo ahaa kuwo aad u feejigan isla markaana doonayey inay Xaqiijiyaan amaanka wadooyinka soo gala Marka ayaa Barqanimadii maanta waxay ku dhaqaaqeen inta u dhaxaysa Deegaanada Gandaawi iyo Buufow Bacaad oo maalmahan hami weyn uu ugu jiro kooxda Reer dhul boob oo doonaya inay halkaasi ka samaystaan Fariisan ay ku Dhibaateeyaan Gaadiidka iyo Dadka rakaabka ah ee isticmaalaya Wadadaasi.

Ciidamada ayaa halkaasi waxay kula kulmeen jidgooyo ay soo dhigteen Maleeshiyaad ku hayba ah ninka lagu Mgacaabo Goobaale. 

Ciidamada ayaa xooga ku kala diray Maleeshiyaad tira yar oo ay isbaaro u tiilay halka lagu magacaabo Haanta Gandaawi oo maalmo ka hor halkaaasi lagu dilay Laba nin oo tuugo ahaa isla markaana ay u tiilay jidgooyo kuwaa  oo weerar kala kulmay Geesiyaasha Deegaanka oo har iyo Habeen usoo taagan hanashada Amaannka Deegaanda ay Degto Beesha Biimaal.

Goob joogayaal lahadlaya warsidaha Markacadey.com ayaa sheegaya in uu jiro khasaare soo gaaray Tuugada ay u tiilay isbaarada oo weerar abaabulan kala kulmay Geesiyaal usoo qalab qaatay inay kala cayriyaan tuugada.

Saraakiisha Deegaanka ee Maanta horkacaysay Howlgalka ayaa inoo sheegay in wax khasaara ah uusan soo gaarin Ciidamada howlgalka fuliyey.

Mana ahan markii ugu horaysay oo Geesiyaasha Deegaanka ay xoog ku qaadaan Jidgooyo ay soo dhigtaan Tuugo dadka dhibaataynaysa.

 Nagala soo xiriir:

 

Info@markacadey.com

 Info@markanews.net

info@markacadey.com

info@markanews.net

About author

author

6 comments

  1. Waa sharaf allaha guuleeyo ciidanka deegaanka ee geesiyasha ah guul guul guul

  2. marka horaba maxaa habargidir iyo mooryaantooda keenay dhulkeena taas waakhalad loomana dul qaadankaro haday ciidan dawlad yihiin dhulkooda hakanoqadaan haday isbaaro dhiganaayaan dhulkooda hadhigtaa sida guri ceel iyo cadaado waxaa kaloo khalad ah nin dhoof kuyimid dhulkaaga ama deegaankaaga in uu dadkaaga xasuuqo asaga oo sheeganaayo ciidanka xooga dalka soomaaliyeed adeer taas wax dhicikara ma aha askari abgaal ah ama habaaraneey ah deegaankeena laguma arki karo ciidamadeena u dhashay gobolka ee u naxariisanaaya dadkooda ayaa ah ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ee xaqa ah ama xalaasha ah ma aha mooryaan arxan laawe ah oo dano gaar ah lagaleeyahay in loosoo masaafuriyo deegaanadeena ama deegaanada digil iyo biimaal hadaan lagararin dhulkeena mooryaanta hawiye wixii kudhaca xasan culusoow ayaa kamasuul ah

  3. iskadaa in ay isbaaro dhigtaane hal askari oo abgaal iyo habargidir ah dhulkeena uma ogolin taas dhimashaanu kaxignaa waan in loodiyaargaroobo dagaal dheer oo lagagasifeeyo mooryaanta arxanka daran deegaamadeena guul iyo gbanimo insha alaah

  4. meeshay isbaaro dhigtaanba waa in lagulaayaa waa xaq in aad cadawga dadkaaga kaciliso oo aad kaxorayso ninkii ku dhinta difaaca dadka masaakiinta ah waa ahlujano ilaahay idamkiis naxariista ilaahay ayuu hilidoonaa waa xaq in aad tuugada iyo duliga iskafogaysaa si aad sharaf iyo karaamo ugu noolaato

  5. Warkaasaa i mara, xataa kooda lagu qabto nolol asagoo Jidgooyo u taal waa in lug iyo gacan is dhaaf ah la jaraa ama la dilaa

  6. ka ilaaliya laamiyada & goobaha ganacsiga ka jiro waayo ma noolaan karaaaan isbaro la’aan iyagaa isaga tagaya ka ilaaliya meel daqli isbaaro kasoo galaayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Current month ye@r day *

live webcam girls
Scroll To Top