Home / Wararka / Naqdin Maqaalkii Maxamuud Ciise ee ahaa Talo Ku Socota Gudoomiyaha Magaalada Marka

Naqdin Maqaalkii Maxamuud Ciise ee ahaa Talo Ku Socota Gudoomiyaha Magaalada Marka

Waxaan aad uga Xumahay Maqaalkii dhaliisha ahaa ee Maxamuud Ciise uu ku Weeraray Mudane Maxamed Cusmaan Yariisoow Gudoomiyaha Magaalada Marka.

Anoo ka Jawaabaya Maqaalkii Dhaliisha badnaa ee Maxamuud Ciise uu ka qoray Gudoomiyaha Magaalada Marka, Marka hore Walaalkey Maxamuud Ciise waxaan dhihi lahaa Bani Aadam ayaa la yahay dhaliishu mar walbo waa ay jirtaa hadana qofba dhan ayuu usoo maraaa, ma aheyn in aad usoo Marto halkaan adoo si gaar ah ula Xiriiri kara.

Hadaan dib ugu laabto Dhaliilaha aad usoo jeedisay Gudoomiyaha waxaa ka mid ahaa in uu mar walbo kusoo cel celiyo Nin Qaran ayaan ahay waa run Gudoomiyaha waa uu ku saxan yahay hadalkaas waa nin Qaran ah waa ninka isku xiraya dadka deegaanka iyo Dowlada dhexe, hadii maanta aysan jirin Xitaa Dowlada dhexe oo Cadaalad ah, kama Saareyso Gudoomiyaha in uu yahay Nin Qaran oo Bulshada Dhexdeeda qadarin ku leh.

Dhaliisha Labaad ee aheyd wuxuu Wareysi Siiyaa mar walbo Gudoomiyaha Warbaahinta Mooryaanta Habargidir, Aniga ka fikir ahaan meeshaasna waan kaaga soo horjeedaa, Tusaale ahaan hadii uusan hadlin Gudoomiyaha waxaa imaan karta, koow in mar walbo laga been abuurto sida marar badan dhacday, waa ku Saxan yahay Gudoomiyaha in uu iska beri yeelo wixii dibin daabyo ah oo isaga lala damacasanyahay.

Hadaan Tusaale usoo qaato Mooryaan lagu Magacaabo Cali Jiido ayaa Afka ka sheegtay in uu yahay Gudoomiyaha Shalambood wuxuuna ka hadlay dhamaan Idaacadaha Muqdisho, Waxaa isla markiiba Jawaab kulul Siiyay Mudane Yariisoow oo u sheegay Warbaahinta in Mooryaanka lagu Magacaabo Cali Jiido haduu Xukun sidaas u Jecelyahay in uu Dhuusa Mareeb Xil ka doonto.

Dhalinyarada reer Udubland waxaan ka Codsanayaa inta Qalin Maalka ah in Qalinkooda ay ku difaacaan Shacabkooda iyo deegaankooda, ee uusan noqon Mid lagu damiyo Iftiinka inoo Shidan.

Sidoo kale waxaan halkaan Mahad baallaaran uga dirayaa Gudoomiye yaasha degmooyinka Marka, Jannaale iyo Lambar Kontan sida ay uga shaqeeyeen Amniga deegaanadooda, waxaan leeyahay halkaas kasii wada Taariikhda ayaa idin Xusi doonto.

W/Q: Cabdi Naasir Busleey.
Busley@gmail.com

info@markacadey.com

info@markanews.net

About Editor

Editor

4 comments

  1. fadlan marka cadey.com ereyadaan aad warbahinta umarineysaan nin madax ah haku degdegina ee is xisaabiya waayo halkaan waxaan ku arkaa qoraal lagu soo horjeedo qoraal shalay aad ka gudbiseen gudoomiyaha taasna waxay abuureysaa in uu meesha kadhasho isku dir, mas uuliyaddana idinka ayaa qaadayaa runtii waayo iminka waxaan kujirnaa cadow iskacelis idinkana waxaad abuureysaan walaalo iskudirid taasoo ka faa ideysan karo cadowgiina.

  2. ASC all waad salaaman tihiin walaalaheyga biimaal meel waliba aad joogtaan dinida ,ALXAMDILLAH.

    1)MARKA hore waxaa dhihi lahaa qof waliba oo dhaliil u jeedinaya godoomiyaha maxamead cismaan yiriisow .in uu telkiisa waco una sheego wax waliba oo mar kaas uu dooniya .ha ahaato dhaliil .waano.etc.

    2)tan labaad web marka cadey mahan website oo qof doono wax inuu soo qorto..

    3)wada shaqeyn fiican shaqaalaha markacadey,com

    ALLAH ayaa MAHAD ISKA LEH .ASC

  3. hada labadiinu waad isu jawaabteen halkaas halagu joojiyo ninkii raba in uu gudoomiyaha talo siiyo fadala wado kale ha u maro waad mahadsan tihiin labadiinuba guul iyo midnimo ayaynu isku ognahay insha allaah

  4. Waa arintaan hore u shegay, o ah in godomiyaha magalada marka maxamed cusaman cali yarisow aan
    warbahinta loo marin e si toos ah lala xirio, mahan in target ka laga dhigto inu godomiyaha nin xun yahay
    aniga oo an ku difaceynin sokey ahaan wlhi waan laxirira namabarkisa godomiyaha wixii uu ku qaldanayahay waan u shega haduu qaldanayana waan canantaa, run ahanti sidii u walakega shegay aftinka iminka ino shidan aynan nagala demin, dadaku waa dad wallo ah hadii markii dagalki an kula jirnay moryanti rer cadado ay yara hakaden mahan in dhexden aynu is qabsano sidaasi ayaan oran lahaa.
    Ninki donayo tlelka godomiyaha aniga haila so xirio, email. laaantabuure@gmail.com/ mohoabdi143@gmail.com/facebok/ moho adbi/ wabilahi towfiiq wsc.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Current month ye@r day *

live webcam girls
Scroll To Top