Home / Maqaallo / Daawo: Kulankii Baroordiiqda & Cambaareynta ee Jaaliyada Soomalida Minnesota u sameeyeen Odayaasha Biimaal

Daawo: Kulankii Baroordiiqda & Cambaareynta ee Jaaliyada Soomalida Minnesota u sameeyeen Odayaasha Biimaal

About author

author

One comment

  1. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN !,SAMIR & IMAAN ILAAH HA INAKA SIIYO
    ODAYAASHEENNII BIRIMAGEYDADA AHAA ,& KUMANYAAL KALE OO BADAN OOW LAAYEY CUDURKA DILAAGA AH EE LAGU MAGACAABO :-” U.S.C.” HADDABA CUDURKII OGAANNAYE
    MA LA DAGAALLANNAA MASE WAA SUGNAA ILAA & INTA AAYNU DHAMMAANAYNO ?. BAROORDIIQDAANA WAXAAN KAGA SOO QAYBGELAYAA GABAYGAAN HOOS KU QORAN
    EE LA YIRAAHDO :- U.S.C.

    A–Soomaali cudur baa ku degey , cayn mareebe ahe
    -cishadii timaaddana dadbaa , ciidda hoos mara-e
    -qaar calool ku jiirey baa iyana ,cayr ku soo gala-e
    -qaarna waa dad caagado sitah oo, caato joogsadaye
    -haddiiyaan Ilaah cid u sakhirin,wow cabsanayaaye

    B-qaarna waa caruus amase waa,caynka aan ahaye
    -cilmigaas waxaa qoray kutubo,caan ah oo badane
    -carona maaha iyo shey naflaha , lagu ciqaabaaye
    -cashar Weeye weynuhu u dhigay , ruuxii caaqilahe
    -si aay ugu cibraqaataan intaan,lagu cabbayn iilee

    C -U . S . C. waxay ciribxumiyo , ceeb u oroddaaba
    -sidii weer-calaankii shacbiga ,waxay carjeefaanba
    -ninba maalin buu ceejiyaa , Malak Casraa-iile
    -waa caddaalad geerida in aad , mar un cantuugtaye
    -caawana caleentii shuftada , baa cad soo go-aye

    D-cabdow carunka nagu raagey baan, la cartamayaaye
    -calam baynu leenahay haddana, ma ahin caynkaase
    -caasimadi waa lagu habsado , cayr Jinaa degaye
    -cishiriin gu’ iyo saa-id baa , good na cunayaaye
    -ceeb bayna nagu tahay dhulkoo , aynan soo celine

    E-war cadowgaan dhulkii diirtayee layska celinwaayey
    -cirka kama imaan iyo Carshiga meel agtiisa ahee
    -waa caadaqaateyaal raba,in aay cido ku boobaane
    -cududna waad ku dhaantan haddaad ciidan gelisaane
    -intaad cayrta gooysaan dagaal soo rogaal-celiya

    F-war Daayniile cirifkiisa bari , tan iyo ceel jaalle
    -Caliyaalo gooddiga cirfiid , coonka Garasyaale
    -goobihii caweysyada tan iyo , Liido cagaheeda
    -Huriwaa cayaar lagama tumo,goor caweysinahe
    -Ceelgaab carrabiyo laddaa caawo socodkiiyee

    G-Caynkaa waxaa Xamar ka dhigay,duul casaabo ahe
    -sidii ciidan shaydaan ayay , boob u cararaanoo
    -wax inay cunaan oo quray , ku calwasaadaano
    -cid ka celisa may laha xumaan ,inay ka caagaane
    -cawaan weeye aan weliye dikrigu gaarin Culusowe

live webcam girls
Scroll To Top