Home / Maqaallo / Talada Dowladda Waa Tacab Qasaar Ee Aan Ka Tashano – By: Hussein Bashiir

Talada Dowladda Waa Tacab Qasaar Ee Aan Ka Tashano – By: Hussein Bashiir

Sida aan la socono Toddobaadkii hore waxaa Magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia ku suganaa madaxweynaha Kenya Mr Jomo kenyatta isagoo wada hadal ku saabsan arrimaha soomaaliya layeelashay dhiggiisa Ethiopia.
Mr Jomo kenyatta oo aan horay looga baran booqashada noocan ah ayaa dadka ka faallooda siyaasadda bariga africa ku tilmaameen booqashadiisa iney tahay sidii ay labada wadan iskaga kaashan lahaaheeyeen dhaqaalaha kasoo gala burburka iyo fowdada soomaaliya iyo sidii ay heshiis cusub uga gaari lahaayeen arrimahan maadaama ay ciidamadooda hada kawada tirsan yihiin amisom.

Ethiopia iyaa iyadu tan iyo sanadkii 2012 u dagaalameysay inay ciidamadeeda ka mid noqdaan kuwa Amisom maadaama xukuumada Uganda ee hormuudka u ah Amisom isla sanadkaas heshay dhaqaale ka badan $500 milyan oo loo qoondeeyey askartooda ka hawl gasha soomaaliya.

Sidoo kale, Ka bixitaankii Ethiopia ay xilligaas kaga baxeysay magaalooyin badan oo soomaaliyeed ayaa lagu sheegay inay kaga mudaaharaadaysay diidmada loo diidanaa iney kamid ahaato Amisom, Ugu danbeyntiina way ku guuleysatey iney kamid noqoto.

Dhaqaalaha sanad keliya ay ka helaan soomaaliya dowladahan kenya, ethiopia, brundi, djbouty iyo uganda waxa ay tabar caalami ah u dhameyn karaan 200.000 oo askarta soomaaliyeeda oo ay islamarkaana qalabeyn karaan, Balse hadey sidaa dhacdo oo dadka deegaanka la askareeyo waxaa imanaya nabad waarta iyo kala danbeyn taasna dan uma aha qowleystada muqdisho dhooban iyo xulufadooda kale.

Tayo xumida dowlada muqdisho ay leedahay iyo dhibaatooyinka ay u horseeday shacabkeeda waa mid aan kedis ku iman oo in badan lagasoo shaqeynayey.

Haday xasilooni timaado ugu yaraan guryaha bililiqada ay ku qaateen waa laga xayuubin hantida soomaaliyeed ee ay ku takri falaana waa lagu xisaabin, Dhowrkaa arimood oo is biirsadey iyo kuwa kaloo badan awgeed dowladda way ku qanacsantahay sida ay hada wax u socdaan. Waxaaba laga yaabaa in shabaabku yihiin qolo dowladu sameysatey oo hubkiina siisa si ay usii wataan falalkooda guracan.

Cudurka somaaliweyn hareeyay ee caafimaadka loo waayey waa mid ay mas’uul katahay dowlada muqdisho, waana mid maalin lagula xisaabtami doono. Sidoo kale jilaafooyinka ay qolyahan dhigayaan waxaa mar walba ka adkaanaya rabitaanka shacabka iyo hamiga nabada. Ummad waliba aayaheeda iney garato iyadaa leh!

Qof kastoo dadka deegaanka ahba waxaa la gudboon inuu doorkiisa ka qaato la dagaalanka mooryaanta dowlada isku sheegta ee nabad diidka ah.
Ninkaan hubkiisa ku ilaalsan ceelkiisa waa laga aasi ka calooshii u shaqeystana waa tuke cambaar leh!

Tusaale waxaa inooga filan Gobolka sh/hoose waa gobolka ugu dhaqaalaha iyo wax soo saarka badan dalka balse nasiib xumo waxa uu mar waliba hormuud unoqdaa dhibaatada iyo macluusha dalka, si qasriyo waaweyn loogu iibsado malaayiinka doolar ee mucaawinada loogu soo dhiibo, dadka deegaankana u le’daan oo sidaa lagu dhaxlo.

 

W/Q: Hussein Bashiir

hbashiir@gmail.com

info@markacadey.com

info@markanews.net

About markacadey

3 comments

  1. hussein bashir aad ayaa ugu mahadsantahay fikirkaaga salimka ah waana kuugu raacsanahay fikirkaaga muqdisho wax kaso naso cad maleh 50 sano so socdo saan aa leskaga daba wareega hadii an runta leysku, xalka waa saa sheegte guryo aa xaaran lagu weli after 24 years inti habargedir ee ku laaban dhulkeeda o ee san ku qancin muqdisho yaan wax laga sugin, bimaalna ha u tashto dhulkiisa wabilahi towfiiq

  2. wax garad wax looma sheego

    ascw waxaa meesha taalo yaa loo sheegaa dhukii oo dhan waa mooryaan iyo inta lagu adeegto ee tan anaga aan ku meel mari karno waa in aan isku wacnaa inta nala degto deganadeena madama dhan ay naga heysato ogaadeen hadane ay u soo bira tumanayaan bare hiiraale iyo inta mooryaanta uu wato oo haddeer u fadhiyaan goobweyn oo iyagane u deyaar ah in ay isku dartaan jubada hoose iyo jubada dhexe ee waxay taladooday ay tahay bimaal wax badan ayuu gumeysi diidayay oo hadane wax badane gumeysi waa ku jirey oo inta dhul uu degamahiisa ah waa laga wada qaatay oo loogu talanaayi oo weligiisa gaajo ayuu ku nolaa ee hadana waa in sidiisa uu weligiisa ku jiradaa ee halkii soo kacana mid iyaga ka mid ah shan shilin uu shah ku cabo jeebka u geliya oo ku adeegta waa kuwii weligood aad ku adeegan jirteeni ee tan ay naga amisan yihiin waa taas ee weligooda ku fikirimayaan shaley iyo manta in ay kala bedelan tahay oo xanuunkii ay na sariyeen in aan ku soo wada kacney oo wax na celinaayo la arkeynin nagama sugayaan ee taasna waa u aqliyaradooda ee waa in aan sidii dameerta aan u wada quminaa mooryaanta iyo inta u adeegto ee waa in aan isku yeernaa inta nala degan degamadeena oo nagula noo sidii aan halmeel uGu soo wada jeesan laheyn waayo dhibatadaan kuli wey wada sameysaa ee bimaal kuma eka oo kaligiisa ma degana shabelada hoose oo dhan ee waa in ay isku yimaadiin inta kale oo degan shabelada hoose uu ka mid yahay wacdaan,shanta caleemood,shiiqal gendershe,digile,iyo inkaale oo badan ee waa in taas aan ku dadaalna ee wax dhib ah ma arkeyno oo ilaah ayaa nala jiro waayo dad ma dhacno oo ma dilno oo ma kufsano oo waxaan nahay dad xalaal quuto oo diinta ku dhaqmo wa bilaahi towfiiq

  3. Akhristayaal,30 qof oo “caqli ,aqoon, diin,damiir, & waddaniyad” u
    saaxiib ah haddii beesha USC laga helilahaa, 24 sano sidaan ma
    ahaateen,ee bal arrintaas hoos u eega; dhibaatadaas intay baaxad
    le-eg ee addunku 24 sano u soo gurmanayey ,USC malaayiintii qof
    ooy dileen & in le-eg ooy dhaceen, cid uma aay soo qaban cidna
    kuma eedayn bal mana qirsana in aay dhib geysteenba,shirkasta
    oo heshiis & walaalnimo lagaga hadlayana waa dhexfadhiyaan ee
    wax sidaas sameeya iyaga ka hor ma aragteen mase maqasheen.

    -#-
    Su-aal gaaban :- haddaba ayaa ku habboon in lagu MAGACAABO
    ciidammadii xoogga dalka Soomaaliya, ma kuwa AMISOM sida
    Keenya & Itoopiya mase kuwa USC ?????!!!!!!.
    -#-
    Su-aal kale labaad:- ayaa Soomaaliya laga xoraynayaa ma USC
    mase cadow kale?????!!!!.
    Aniga waxay ila tahay Soomaaliya cadowgeedu waa USC mana
    hagaageyso ilaa USC laga xoreeyo!!!!!!!.
    #-
    Su-aal 3aad :-ayaa Soomaalinnimo u dhow USC mase SNM ?!.
    -#-
    “LAABTAXUUNSHO” waa gabay waddaniyee naga guddooma .
    1-nin xiskii la weydaariyoo ,xoogsi kari waayey
    & kii xabaashiis la qodee , cudur u xoog sheegtay
    koodna xiiso uma qabo,carruur inuu xambaaraano
    waa laga xayuubshayo , ka jare laabta xuunsha-e
    2-xawo tarankii ruux laga xirayo,xilow himoonwayey
    xigtadiisii ruux waayey iyo , xoolo wuxuu haystey
    xabbad lagu dhuftaa uga wacnayd,xoogsigii Yurube
    waase laga xayuubshayo,ka jare laabta xuunshada-e
    3-ninka xamar ku noolee,Hawiye uu xukume haysto
    xarakada Shabaab sheegatee , xulufka Iiddoor ah
    inaay xeeriyaan qarannimo , ama xasuustaanba
    waa laga xayuubshayo, ka jare laabta xuunsha-e
    4-xatooyiyo afduub iyo dhac bay,ku xarragoodaano
    xeer waxay ka yeeleen inay , dumarka xoogaano
    xishood lagala samir &,in anay xoorin dhaqankiiye
    waana laga xayuubshayo,ka jare laabta xuunsha-e
    5-waa qoon xujaysano caqliba , sow u yahay Xaadee
    Xisbigii Ibliis baay qorteen ,saan xaqiiqsadayee
    xiskii garashadaa lagala baxay,labta xuunshada-o
    xareed uga macaan shey hadduu,yahayba xaaraame
    6-xaydaankii diintiina ka boxoo, gooye xariggiiye
    Xasan baana ugu sheekh ah , iyo Diiriyiyo Xaade
    xamanmaayo oo reerku waa,duul xaqdhowr necebe
    waana laga xayuubshayo ,ka jare laabta xuunsha-e
    7-xigmaddii Illaahay wataan , ruux xayyirahayne
    Geelow xanuun baa ku dhacay qoonkan reer xagare
    xiskii iyo waxaa lagala baxay ,labta xuunshadiyo
    xinjir dhiigna laga waa garkii ,xawlmariiddada-e

live webcam girls
Scroll To Top