Home / Wararka / Nin u qaabilsanaa Mooryaan Goobale Baad ka qaadida reer Afgooye oo xalay lagu dhaawacay degmadaas

Nin u qaabilsanaa Mooryaan Goobale Baad ka qaadida reer Afgooye oo xalay lagu dhaawacay degmadaas

Ninkaan xalay lagu dhaawacay Degmada Afgooye ayaa u qaabilsanaa Mooryaanta Goobaale iyo Qaafoow  in uu baad kasoo qaado guryaha iyo xarumaha Ganacsiga ee ku yaala degmada Afgooye.

Ninkaan oo markii dambe dhaawiciisa loola cararay Isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho, dad goob joogayaal ah ayaa u xaqiijiyay Shabakada Markacadey.com in ninkaan dhaawiciisu aad halis u yahay waxaana magaciisa lagu sheegay Yuusuf, isagoo madax u ahaa Mooryaanta Baada ka qaada degmada Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawiciisa uu aad u daran yahay, waxaana rasaasta ay kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa.

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay, iyadoo mudooyinkii u dambeeyay dadka degmada Afgooye ay sameynayeen kacdoon ay isga saarayaan Mooryaanta kusoo duushay Degmada Afgooye .

 

 

 

info@markacadey.com                                                       info@markanews.net

About Editor

Editor

2 comments

  1. siid nuur;- waxaa naga go,an mooryaan kasto darajaduu doono magacuu doono ha ku shaqeyo inaan cashar u dhigno, reer maanta way ka nasteen, kheyr beelihii mana soo noqon doono.

  2. REER AF GOOYE ILAAHOOW UHIILI ISKACELIYA NIJAASADA MOORYAANTA AH WAAXAARAAN QUUTAYAAL

live webcam girls
Scroll To Top