Home / Wararka / Iftiin Baasto iyo Cumar Buraale oo gaashaanka u daruuray Wasiiro dhawaan la sheegay in lagu dhawaaqay…

Iftiin Baasto iyo Cumar Buraale oo gaashaanka u daruuray Wasiiro dhawaan la sheegay in lagu dhawaaqay…

Qaar ka mid ah Madaxweynayaashii horay isu magacaabay ee maamulada Gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka soo horjeesteen Magacaabista Golaha Wasiirada ee uu dhawaan magacaabay Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Axmed Madoobe.

Iftiin Xasan Baasto oo ka mid ahaa Madaxweynaashii horay isu magacaabay o maanta kulanka ka hadlay aya waxa uu sheegay inuu si cad uga soo horjeesteen Magacaabista Golaha Wasiirada ee uu magacaabay Hogaamiyaha Maamulka KMG ee jubba Axmed Madoobe, isagoona sheegay in Axmed Madoobe uu jibiyay qodob ka mid ah heshiiskii Adis-Ababa ka dhacayuuna ku tuntay xuquuqdooda.

sidoo kale waxa kulanka ka hadlay Cumar Buraale Axmed aya waxa uu baaq u diray Madaxda Dowlada Soomaaliya, UN-ka, Beesha Caalamka iyo Dowlada Itoobiya oo uu sheegay iney garwadeen ka ahayd Heshiiskii Adis-Ababa, isagoona sheegay in dagaal mar kale ka dhaca Gobolada Jubooyinka ay masuuliyadiisa qaadeyso cidii magacaawday Golaha Wasiirada.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Juuba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu dikreeto ku magacaabay qaar ka mid ah Golaha wasiirada ee Maamulka KMG ee Jubba.

 

 

 

info@markacadey.com                                                info@markanews.net

About Editor

Editor

One comment

  1. AXMAD MADOOBE MEESHAAN WAXBA UMAYAALAAN FADALAN DHAGAX BUUR HA ISKAGA NOQDO

live webcam girls
Scroll To Top