Home / Wararka / Daawo: Shir ay waxgarad ka soo jeeda Shabeelaha Hoose ku yeesheen Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Daawo: Shir ay waxgarad ka soo jeeda Shabeelaha Hoose ku yeesheen Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Kulankan oo ka dhacay dalka Sacuudiga ayaa odayaashii iyo waxgaradkii ka hadlay waxa ay hoosta ka xariiqeen in waxii hadda ka dambeeyo ayna aqbali doonin dulmi iyo dhulkooda ay ku soo gardaroodaan dad gobolo kale ka yimid.

Shirkan ay isugu yimaadeen waxgaradkan oo ka kala socday dhamaan 13-ka beel ee u dhashay gobolka Shabeelada Hoose waxa ay isku raaceen in ay u istaagi doonaan xuquuqda shacabkooda,iyada oo ay marna gorgortan ka geli doonin taako ka mid ah dhulkooda.

Ugu dambeyntii waxay isku raaceen in halganka gobolka ka socda aan beesha Biimaal keliya lagu fiirsan oo laga doonayo dhamaan beelaha kale in ay garab istaagaan beesha Biimaal.

Kulamadan is daba jooga ee ay yeelanayaan beelaha u dhashay gobolka Shabeelada Hoose oo ka dhacayey waayadan dambe gudaha iyo dibada Soomaaliya ayaa ka dambeysay markii ciidamada amaanka ee deegaanka, oo bilihii la soo dhaafay halgan dheer ka dib gobolka ka nadiifiyey mooryaan beeleedyo garab ka helayey dowlada Banaadir, kuwaasi oo dhibaatooyin ku hayey dadka deegaanka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee safareyda ah oo ay ku dhibaateyn jireen isbaarooyin u yiilay halkaasi.

 

info@markacadey.com

About Idaa zulzilad

Idaa zulzilad

One comment

  1. Asc shirarka kadhacaya dalka iyo dibadiisaba loogana hadlayo sidii looga gudbi lahaa loogana tashan lahaa in mooryaanta katimid gobalada dhexe lagaa nadiifiyo gobolka shabaalada hoose waa arin loobaahanyahay dadka sh/hoose inay katashtaan aayahooda una midoobaan sidii ay isaga xureen lahaayeen mooryaantaas oo dowlada tawarta daran taageerto

live webcam girls
Scroll To Top